Muxuu Daarnaa Kulanka Uu Gudoomiye Xirsi Beeshiisa Kula Yeeshay Magaalada Burco?

Wednesday June 19, 2024 - 17:20:35
Hadhwanaag
"Todobaad yadii ugu dambeeya xisbiyada Kulmiye iyo Waddani…"



 

Burco (HWN) Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali X Xasan iyo Masuuliyin ka Tirsan Xisbiga WADDANI ayaa Magalada Burco kulan balaadhan kula qaatay Cuqaal ,Odayaal, dhalinyaro aqoonyahan iyo haween kaso jeeda gobollada Togdheer Sool iyo Saaxil ee beesha Maxamed Yoonis ee Habar jeclo, Kulan ayaa dabasocday Kulan Hargaisa uga dhacay beesha dhawaan.



Waxgaradka Beesha ayaa tilmaamay in ay kaalin weyn ka qaadanayaan dadaalka isbedel ee xisbiga WADDANI, islamarkaana codkooda iyo cududooda la barbar istaagayaan hoggaanka xisbiga si isbedel hoggaamineed dalka uga dhaco xisbiguna ugu guulaysto dooroshooyinka muddaysan



Madaxda Xisbiga WADDANI ayaa si kal furan u soo dhaweeyay haldoorka beesha, islamarkaana uga mahadceliyay taageeradooda.Sidokale tilmaamay in ay xil weyn iska saari doonaan wax ka qabashada deegaannada beesha iyo horumarintooda.


 

Todobaad yadii ugu dambeeya xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ayaa waday kulamo gaar gaar ah oo ay la yeelanayaan beelaha kala duwan ee Somaliland.

     
Loading...