Boormada (HWN) Wiil yar
ayaa ku geeriyooday miino nooca gacanta ah oo kula qaraxday degaanka Qabuuraha
ee u dhexeeyay deegaanka Qardhiile iyo Ruqi ee ka tirsan degmada Baki ee
gobolka Awdal, sida uu Shabakada u xaqiijiyay Xildhibaan Axmed Faarax.
Xildhibaan Axmed ayaa
sheegay in wiilkan yar ee lagu magacaabo Axmed Xuseen Nadiif uu ku dhintay
miino nooca gacanta oo uu ka helay deegaankaasi Qabuurta.
"Wiilkan oo xoolo
ku eegayay degaanka Qabuurta ayaa dhintay markii uu ku ciyaarayay miino nooca
gacanta oo uu ka helay deegaankaasi hadana waxaan joognaa aaskiisa, runtii waa
arin naxdin leh waxaana ka tacsiyadeynayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay
waxaana leeyahay Ilahay samir iyo iimaan hanaga siiyo dhamaanteen." ayuu
yidhi Xildhibaan Axmed Xuseen.
Sikastaba ha noqotee
maaha markii ugu horeysay ee ay caruur ku geeriyooto miino ay ka helaan
deegaanada ay xoolaha ku eegaa.
Maxamed Bili-bili