"Wasiir Saajin, Hagardaamada Siyaasadda, Saymaha Soohan & Qadadii Maanta"

Tuesday June 18, 2024 - 21:23:57
Hadhwanaag
W/Q: Jamal Abdi Muuse,



 

Gorfeyn

Marka horeba waxa duran oo reebban adeegsiga sharci ee ereyga "Xukuumadda", waayo hoggaanka xukuumaddu waa madaxweynaha qaranka, sidaa awgeed, marti-qaad aannu isagu fidin laguma qori karo "Xukuumadda JSL waxay kugu marti-qaadaysaa••••••••••••". Midda kale, hadalku waxa uu leeyahay xubin, xilli, xaslin, xuslin, xarrago,  iyo xayn-daab gobeed, haddana hadalka awowgay wasiir Saajin waa mid intaasiba ka arradan, maxaa yeelay, maanta xukuumadda Kulmiye balan-qaad lagama doonayo, balse xubnaha wasiiradda ee xukuumadda Somaliland ku metela gobollada galbeedka Somaliland, waxaa laga rabay in ay madasha la yimaaddaan, qodobbo waxqabad ah oo si shaacsan u wada muuqda. Waxaana safka hore kaga jiraan dhawr qodob:


 ▪︎ Soo dhicinta 4km ee waddada Tog-wajaale ee nidaamka fashilan ee madaxweyne Biixi u duway daanta bari ee magaalada Tog-wajaale.


▪︎ Difaacidda dhismaha waddada Borama-Djibouti ee uu madaxweyne Biixi ku hayo xannibaadda iyo ku meereysiga saxeexa nidaamka xisaab-celinta.


▪︎ Xadhig ka jaridda gegida diyaarada Borama,


▪︎ Dhammeystirka dekedda Saylac ama dekedda Lughaya, ama ugu yaraan inuu yidhaa waxaan ka sidaa xukuumadda 20 Milyan oo lagu dhisayo dekeddaha gobolka xanniban ee Awdal.


▪︎ Ballaadhinta iyo dayactirka waddada Kalabaydh-  illaa Borama.


▪︎ Sheegidda waxqabadkiisii wasiirnimo iyo muujinta heerka metelaaddiisa toddobada sanno. Taasi oo keeni lahayd kalsooni hoggaamineed iyo aamin siyaasadeed oo ku aaddan noqoshada madaxweyne ku xigeenka soo socda.


▪︎ Iyo Inuu caddeeyo aragtidiisa ku aaddan qaddiyadaha toleed, iyo kuwa siyaasadeed ee ku gadaaman geyiga geeska Afrika.


Haseyeeshee, markii la waayay hirgalka dhammaan qodobbada sare ku xusan, wuxuu wasiir Saajin doorbiday inuu hadalkiisa ku soo koobo, is waraysi, xog-wadaag, iyo ciid wanaagsan. Tuduc gabay ah oo xikmad badan xambaarsan, balse aanan hadda xasuusan abwaankii lahaa ayaa u dhigneyd "Alla qabay afkana waa yaqaan, waana ka agnaane", waxa la yaab ah in awowgay wasiir Saajin aannu marna hadalkiisa ku qotomin duluc-abbaar sugan oo sees looga dhigay inuu hadalkiisu yeesho xubin, xilli, xaslin, xuslin, xarrago,  iyo xayn-daab gobeed. Sababta ugu wayni na waa inuu ballan-qaadkiisa ugu mudan u adeegsaday jumlad taban oo u dhigan "Meeshaan doono aan kala dhaco, madaarka Borama bisha shannaad ee kal danbe inuu dhammaado". Dabcan, weedhayntani waa mid caddeynaysa inuu wasiir Saajin quus ka joogo ballan-qaad  danbe oo xisbiga Kulmiye u sameeyo shacabka Awdal iyo in dadku mar kale Kulmiye ka dhagaysto dhismaha madaarka Borama oo dhawr iyo toban jeer hore u soo fashilay.


Ugu danbeyntii, annagu waxaannu la iman doonaa ballan-qaadyo cad oo taabanaya aragtida siyaasiga ah ee bulshada, dareennada dadnimo ee asaliga ah, iyo qaddiyadaha toleed ee shacabka gobollada  galbeedka Somaliland. Si kastaba ahaatee, kulan ujeedkiisu yahay in lagu xumeeyo, ama lagu liido afkaarta madaxweyne Saylici oo jawaab u ah aragtidiisa dhexdhexaadnimo, iyo qado lagu gumeynayo hab fekerka gobeed ee bulsho-weynta gobolka aqoonta ee Awdal, marna ma goyn karto cod cuddoon oo lagu guulaysan karo. Balse waa qodob muujinaya han hooseynta kaaliyeyaasha siyaasadda madaxweyne Muuse Biixi ee ka soo jeeda gobollada galbeedka Somaliland. Raggii shalay madaxweyne oo aan 27 sanno gudaha Borama gaadhi kaga dagin suurtagaliyey inuu dhex lugeeyo oo ku laandheereeyo ayaa maantana diyaar u ah ridista nidaamka fashil qaran, samatabixinta qarannimada Somaliland iyo guul-gaadhsiinta is beddel-doonka siyaasiga ah.


Jamal Abdi Muuse,

Xoghayaha Maamul Wanaagga Iyo Kobcinta Dimuqraadiyadda Xisbiga Waddani.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...