Cuqdaddii Oo Askariga Ka Dhex Hadlaysa ( Abdi-Shotaly).

Wednesday June 12, 2024 - 07:47:06
Hadhwanaagtv
* N.B Cuqaddii Qaraxday, Ilayn Wixii Uurku Jecel-Yahaa, Afku Kaa Xadaaye!...


Cajebooy-cajiibeey,cajebiyo la yaabay, malaha dad baa ka weli ka yaaban, waxay isaga daba hadleen Xaliye ( Waa xinife), Geenyo-Shaaximan, Bakhti-Dhego-Weyn iyo Faysal Zaad, kuwaas oo uu askariga " Raggii ma adigaa hadhay " ugu adeegto in u faafiyaan, una hir-geliyaan iska hor-keenka beelaha iyo maaweeladda ah khiyaaliga ah.Maah-maah

hore loo yidhi, baa waxay leedahay " Wixii uurku jecel yahay, baa afku kaa xadaa" Akhristaw, sidaas oo ay tahay, waxa wigan is wacan debedda u soo if baxay xanuunkii ay qabeen kuwa aan sare ku soo sheegay, wixii beerka iyo caloosha dhaamiyey, baa waxay dedaan-ba mar qudha todobaadkan calooshooddii iyo af-kooddii hayn kati waayeen oo mar kale iyaka oo aan is-ogayn ka soo butaacay siddii bulaaxad jabtay.


Muwaadin, kuwa aan magacoodda kor qeexay, baa naxliggii ku huursanaa isaga oo hadlaaya is keenay, sidaas awgeed iyaku af-kuun bay kala qabteene, oo malaha dad baa leh maxaa ka soo yeedhaye, miyey waasheen, saw kuwan maryaha dhigtaye, ha yaabina ceeb-tood maaha ee waa caadaood, aan idiin soo koobo runta'e, iysku ma hadlayaa ee waxa ka dhex sanqadhaya waa waxii ku aasnaa ee kolaba meel kaga waraaqi jireen, kolba derbi isku qaadayeen, lala meersysa-naayey baa aakhirkii oodda soo jebiyey, waxa hadlayaa maaha wax kale ee " Waa Cuqdadda Laf-teeddii" Oo aan biyo is-marin, xumaantii ay beerayeen, iska hor-keenka ummadda, beel nacaybkii, iyo cidladda ay maanta taagan yihiin, ee ay beel waliba ka dhaqaaqday, illaahay hortii ka taagan, iyo xeradda madhan ay dhex tuban yihiin, markii weji-gabax ay kala kulmeen Wadanka Gobol kasta, baa hadeer jaho wareer ku dhacay, waa taas keliftay in " Cuqdaddii" ku biirtay-biirtay kolkii buux dhaaftay, afkii hayn kari waayey, iyaddii baa iskeed u fatahday.


Waxa la yidhi oo ay maah-maahi ahayd " Awr xamilkii wuu qaadaa, laakiinse xadhig qaloocan ma qaado'e" Wax waliba xad bay leeyihiin ay qaadi karan, laakiinse haddii ay heer-koodda dhaafto way qarxaan, waa sidda ay u qaraxday hadeer cuqdaddii markii ay kaamil noqotaye, sidaas oo kale waxa kar'kaaradda jebiyey weelkii ka buusamay, oo meel qaadda ama ku sii dhuuntaan waayey, ciilkii iyo naxliggii, cunfiggii ummadda la kala dhex dhigay, oo mar kaliya samadda isku shareetay sidda cadceedda, oo waa darani ku cadaaday Beentii, Dul-qaadkii, Samirkii ummadda oo soo gabaga-boobay, Xad-gudubku, Cuqadda iyo qaar kalo badan sidda rajaddii la qabay oo meesha ka baxday. Laguma soo koobi karo qoraal iyo laba, waxa ciil-qabayaashu ay ku suntan yihiin ee waa ciidaa camaaray oo la tiriyo. Waxase nasiibvwanaag ah in ay imika ku soo ururay xaalkii maamulka askartu in ay iyakii is kashifaan, markii meel ay ku gabadaan waayeen, welina sidda tukaha ay cidla qaaq ka leeyihiin, ha-yeeshee ma laha dareen iyo xusbad ay ku gartaan qaladda ku dhacday xagay uga timi ama sababay.

* N.B Cuqaddii Qaraxday, Ilayn Wixii Uurku Jecel-Yahaa, Afku Kaa Xadaaye!

Qore:- Abdi-Shotaly.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...