Beelaha Arab iyo xisbiga Kulmiye oo quus kala jooga iyo xaalada ka dhex taagan

Wednesday June 19, 2024 - 11:54:52
Beelaha Arab iyo xisbiga Kulmiye oo quus kala jooga iyo xaalada ka dhex taagan
No description available.


Hargeysa(HWN):-Wasiir Ciise Kayd ayaa xisbiga Kulmiye u sheegay inaanay jirin wax taageero ah oo ay ku leeyihiin deegaanada beesha uu ka soo jeedo. Taas oo sababtay in masuuliyiinta Kulmiye dib u dhigaan safar ay maanta ku tagi lahaayeen gobolka Hawd.

Warku waxa uu xaqiijiyey in shir ka dhacay xarunta xisbiga Kulmiye ay isku af dhaafeen wasiir Ciiise Kayd iyo Cabdicasiis Samaale ka dib markii uu wasiirku u sheegay gudoomiye ku xigeenka Kulmiye inaanu suuragal ahayn socdaal ay wefti Kulmiye ahi qorsheeyeen inay ku tagaan xarunta gobolka Hawd ee Balli-gubadle.

Wasiir Ciise Kayd waxa uu xisbiga Kulmiye u la socodsiiyey in dhamaan beelaha Arab ay ka mid noqdeen mucaaridka isla markaana aanay jirin wax taageero ah oo ay u hayaan xisbiga Kulmiye, balse Cabdicasiis Samaale oo ku adkaysanaya socdaal ay ku tagaan gobolka Hawd ayaa soo jeediyey inay safarkooda dib ugu dhigeen maalinta sabtida ah inta ka horaysana la abaabulo dad basas lagu qaado oo la geeyo xarunta gobolka Hawd.

Cabdicasiis Samaale waxa uu soo jeediyey in dad laga guro xaafada state House-ka ee magaalada Hargeysa la geeyo xarunta gobolka Hawd si ay u soo dhaweeyaan weftiga xisbiga Kulmiye. Kharashka ku baxaya oo lagu sheegay $15000 (Shanyo Toban Kun oo Doollar) ayaa laysla gartay in maanta laga doono Muuse Biixi.

Dhinaca kale waxa fashil ku dhamaaday shirkii xisbiga Kulmiye doonayey in loo qabto beelaha Arab, suldaankii ay ka dalbadeen inuu abaabulo oo lagula shiray xarunta xisbiga Kulmiye ayaa quus ka muujiyey in shirkaasi qabsoomo.

Suldaan Xuseen Cabdi Cabdilaahi oo xisbiga Kulmiye kula shiray xarunta xisbigaas ayaa lay xaqiijiyey in la siiyey lacag $500(shan boqol oo dollar) si uu u sii wado kala qaybinta beelaha Arab iyo abaabulka shirka Kulmiyeysan.


     
Loading...