Magacyada Allaah ee Wanaagsan Q.1aad. Tabintii: Axmed Cali Kaahin

Saturday June 08, 2024 - 09:48:20
hadhwanaagtv
Waxa jira qodob aad u qiimo badan asalka aduunyadu..



Baahi wayn baa jirta oo ah sirta dunidan loo joogo adoonimo haddii aadmigu taa garan waayana adoonimadiisu hoos bay u dhacaysaa, waxaa jira baahiyo hoose ah kuwa aduunyo, waxaa jira iyana baahiyo sare oo sharfan oo mudan in lagu baraarugsanaado oo ah barasahda Allaah.


Waxa qiimo leh islaamka dhexdiisa in aad taqaan awaamiirta Allaah balse aanad aqoon fiican u lahayn Allaaha awaamiirta bixiya xaqiiqaduna waa in aad taqaan ka ku amray awaamiirtana fuliso iyadoo qalbigaaga Allaah ku wayn yahay iyo jacaylkiisu kuna caabudo Allaah jacayl iyo waynayn.


Waxa jira qodob aad u qiimo badan asalka aduunyadu waaba garashada Rabbi subxaanah

Allaah waxa uu adoomihiisa siiyay nimcada awooda garashada oo nolayaasha kale dheer yahay si loogu dhugto kalinimadiisa, taasi awgeed aadmiga doonaya in uu ogaado yoolka joogistiisa wax laga yaabaa in uu u dhawaado xaqiiqda jiritaankiisa oo ah adoonimo.


Waxa jira haddii gaadhiga ku shaqeeya shidaalka baatroolka lagu shubo shidaalka naaftada ma shaqaynaayo waxaan laga yaabaa in uu gubto isaga iyo cida saaran sidaasi oo kale aadmiga waxaa loo abuuray cibaado haddii xaga cibaada dhinac kale oo aan ahayn xaga toosan ee allaah waddada uu jeexay loo laga jeediyo was sida gaadhigaasi oo kale.


Xaga fadliga barashada Allaah waa sida fadliga u dhexeeya Allaah iyo Adoomihiisa. Haddii qofku aduunyo doono waa barashada cilmiga haddii uu dooni aakhiro cilmiga baro haddii labadaba dooni cilmiga baro, haddii aad badhkaa siiyo cilmiga waxba ku siinmaayo haddii aad iswada siisana wuu iskaa wadda siin cilmina waxaa ugu mudan barashada Allaah.


Caalimku haddii marka uu cilmiga baranaayo yidhaah jooji oo caalim baad noqotay wali waxba ma baran caalimku waa qofka barashada cilmiga wadda waxaan ugu horeeya barasahd Allaah.


Arrintani waa tusaale nool oo taabanaya farqi u dhexeeya muslimiinta maanta iyo muslimiintii hore gaar ahaan saxaabadii. Saxaabadu waxay ahaayeen tiro yar oo kooban haddana meelo badan oo dunida ah waxaa gaadhaycalamadooda waayo waxay aad u yaqaaneen Allaaah aqoon xeel dheer oo keentay in iyagoo dunida dul socda loogu bushaareeyo janada oo ah yoolka dhamaan muslimiinta

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...