Xildhibaan Maxamed Dable ayaa Fariin uu Shacabka la wadaagay sidan u dhigan tahay;

Friday June 07, 2024 - 10:17:41
hadhwanaagtv
Haddaba, waxaan halkan ku cadaynayaa in la iga been-abuurtay, ficilada...



"Anigoo ah Xildhibaan Maxamed Dable, kana tirsan Golaha Degaanka Degmada Berbera, oo hada ku sugan magaalada Dubai ee waddanka Imaaradka Carabta, waxaan halkan raali gelin buuxda ugu soo gudbinayaa dad masuuliyiin ah oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani iyo reero magac iyo milgaba ku leh Qaranka Somaliland oo magacayga lagu aflagaadeeyey iyadoo si been abuur ah loo adeegsanayay degal, (account) Facebook oo been abuur ah oo lagu isticmaalayay sawirkayga iyo magacayga.


Dadka iyo reeraha la aflagaadeeyey iyadoo si khaldan loo adeegsanayo magacayga waxa ka mid ah: Masuuliyinta Xisbiga waddani oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali X. Xasan, Siyaasiyin, Beelweynta Habar Yoonis oo aan u hayo qaderin iyo xushmad Siday beelaha kale iyo guud ahaan shacabka Somaliland ba iiga mudan yahiin,


iyo Qaar ka mid ah Madaxdhameedka iyo Beelaha Somaliland.


Haddaba, waxaan halkan ku cadaynayaa in la iga been-abuurtay, ficilada noocaas oo kale ahina aanay aniga iga suurto gal ahayn shakhsiyana aanan kuba badnayn baraha bulshada iyo Saxaafadaba, Jawaabtana waxa igu kaliftay been abuurkas inaan shacabka u cadeeyo oo muddadaasna ay noqotay mid la caadaystay in been abuurkas la iga sameeyo.


Dadkii ku kacay fal-dambiyeed kaasina waxaan u gudbiyey dacwad ka dhan shirkadda Meta ee iska leh Facebook-gu, waana lagu daba jiraa cidii been abuurkas iga samaysatay , Mar labbaad iyo mar saddexaadba waxaan idinka raali gelinayaa aflagaadada la idiinku geystay magacayga awgii oo mudo dheer soo noqnoqatay u jeedada laga leeyahayna aanan fahmin ilaa hada.”

     
Loading...