"Duufaantan cusub ee Laali ayaa la soo werinayaa in ay ka soo baahday badda Hindiya "
Sida ay baahisay hay'adda Musiibooyinka Qaranka ee Soomaaliya, waxaa laga cabsi qabaa in gobolada koonfurta ee saaran xeebta ay ku soo fool leedahay duufaan xoogan oo lagu magacaabo Lali, taas oo ku dhufatay qaar ka mid ah xeebaha dalalka Bariga Afrika.
"Xaalad adag ayaannu wejahaynaa waa se dedaalaynaa” ayuu yiri Maxamuud Macallin, Gudoomiyaha hay'adda oo sheegaya sida ay u qalab yar yihiin sida oo kalena muddoyinkii danbe ay u waajahayaan masiibooyin joogto ah.
Balse dadka deegaanka Marka ayaa sheegay in aysan wali arki duufaan xooggan oo ka duwan wixii ay horay u arki jireen, xilli ay ka war hayaan warka ay baahisay dawladdu.
Cabdalle ayaa sheegay in wali bulshada Marka u baahan tahay wacyi galin dheeraad ah oo ay uga gaashaantaan duufaanta laga cabsi qabo.
Duufaantan cusub ee Laali ayaa la soo werinayaa in ay ka soo baahday badda Hindiya si gaar ah xeebaha dhanka waddanka Seychelles.
Sida ay sheegtay Waaxda Saadaasha Hawada ee Adduunka, duufaan ba'an waa mid si xooggan u socota kana soo bilaabata badaha.
Dufaanada xooggan ee Badweynta Hindiya kasoo bilawda ayaa ka xoog badan kuwa caadiga ah.
Soomaaliya ayaa muddooyinkii danbe gashay xaalad isbeddel cimilo ah oo aad u daran, iyada oo la kulantay abaartii ugu dheerayd muddo afrtan sano ah oo sannadkii 2022 dhammaatay.
Waddammada Bariga Afrika ayaa wejahay duufaantii labaad Bishan gudaheeda.