Markaan Xaqa Doon Is Idhi, Eex Baa Tidhi Hay Durayn ( Abdi-Shotaly).

Thursday May 09, 2024 - 09:20:46
hadhwanaagtv
* N.B Sinaan Baan Diidayoo, Runtii Baan Duugayoo, Waxaa Doobyeysa Been.

Akhristaw waxan amintan u soo qalin qaatay in aan bal waxa ka socdda dalkii beri hore la odhan jirey S/Lana ( oo ugu dambeeyey maamulkii Siilaanyo), hadeerse ah wax aan xataa lagu sheegi karin maamul-Goboleed, ku darso oo ay micii. Dhaanto maanta Sool oo bil horteed goosatay, oo aanu hadeer dil iyo dhac ka socon, si walbana uga wanaagsan waxan ay labadda askari iyo Saleebaan yuhuudi isku cayn iyo bayd gooyeen, waxan maanso yar kuugu guud marayaa, sidda wax uga socdaan Guriggii Moorgan ee Hargeysa waa " Xaafad-Tooyada'e" Waana tane iga hooya:-

(1) Dadyaw hadal-kayga maqal,
(2) Sidaad doontana ka yeel,
(3) Adaaa denbi-geega qaba, (4) Sidaad doorato-ba u soco, (5) waxaan arin kuu dul maray,
(6) Aday dumadaadda tahay,
(7) Hadhaw yey kula durkine,
(8) Ha daadinin oohinoo,
(9) Dabaa igu shidan ha odhan, (10) Waxan deris kaaga dhigay,
(11) Dulucdda aan soo wadee,
(12) Dubaa-qaagaa u sheeg,
(13 Oo duub murtidaan ku qorey,
(14) Aday dariiq kuu furiye,
(15) Miyey doroosho-ba jirtaa, (16) Saw-kaas ummaddii isku direy,
(17) Sinaan baan diidayaw,
(18) Xaqii markaan doon is idhi,
(19) Eex baa tidhi hay durayn,
(20) Waxay jeceshay gar-darro, (21) Cadaaladi waa xumaan,
(22) Runtii waa la duugayoo,
(23) Waxaa doobyeysa been,
(24) Durbaan qabiil uu u tumay,
(25) Kanaa dadka iigu dhaw,
(26) Inaadeerkay kursiga, isagu hasku daawado,
(27) Duulkaa kale yaanu iman,
(28) Maxaaa iga galay dal-kaba,
(29) Dad-kuna haysku baaba'een, (30) Dagaal baan gelinayaa,
(31) Anigay I difaacayaan,
(32) Cidna-ba dood uma ogoli,
(33) War-baahintii waan dabroo,
(34) Dan-taydaa waxaan ahayn,
(35) Dareenkaa sheegayoo,
(36) Damiir-kaygaa I yidhi,
(37) Hadaad damqata-ba ku nacay,
(38) Dadkii macaluul dishoo, (39) Gaajay derbi-yadda wadhmeen,
(40) Fuulaan baa loogu daray,
(41) Silica bay dabar Go'een,
(42) Wixii danta guud wadaa,
(43) Dacaayado lagu furaa,
(44) Dalkuu cadaw uu ku yahay,
(45) Xamar buu doonayaa,
(46) Reer hebel buu duqaynayaa,
(47) Distoorkuu jebinayaa,
(48) Anoo waxan doono Fali, m
(49) Mise-na been soo derdera, (50) Khiyaali anoon wax dila,
(51) Hadana dafiraa hadhaw,
(52) Colaadaan daadah-shaan,
(53) Dalkii ku dhameeyeyoo,
(54) Misana aan diidayaa,
(55) Wataa Awdal tidhi I daa,
(56) Anaa Sool dumiyeyoo,
(57) Tog-dheer isku direy beelii,
(58) Intaan qori-lugud dul tegay,
(59) Collaad dogob saarayoo,
(60) Balaayadda duur ku shiday,
(61) Waxa ugu daran Sanaag,
(62) Hadeer dar-dar soo wado,
(63) Inay degto haw fadhiyin.
(64) Dar-daaran waxan ku xidhay, (65) Rabaw kooxdan naga dul-qaad,
(66) Adaa daayinoo karee.
(67) Adigu damacoodda jebi,
(68) Mid daacadda noogu deeq,
(69) Dunuub horana an gelin,
(70) Weliba dadnimadda ku wacan.
(71) Dul-qaad loo aan rogin,
(72) Allaw nagu soo dabaal,
(73) Hadeer Dayac baanu nee,
(74) Abaar baa na Daashataye,
(75) Daruuraha noo Shuboo,
(76) Adigu daalimiinta qabo,
(77) Duqay-diyo maataddii,
(78) Dar-xumo baa laysayoo,
(79) Haweenkii kimis ma dubo,
(80) Haraad baan la duuba-nahay.

Intaas haddii aad ila fahan-teen, waxa idin la haboon in aad mar uun wax garataan, is weydiisaan sidan ma ku sii socon kartaan mise waa maya? Waa haddii aanad ahayn inta tuumbadda malabka ku dhuuqaysa, ee af-kana boodhka soo marsanaysa, kuwaas oo ah inta ku xeeran Askariga, hadiise aad rajo ka qabto nolol dib kuugu soo laabata, inta goori-goor tahay, askarigan meesha kharibay in aad iska qabato ku dhiiro, inta aad ka baxdo reer hebel baan isku nahay iyo xil raadsi aad ku xado hantidda ummadu ka bakhtiday, ee ay inta yari ku takri fasho. Tallo aday kuu taalaa.
* N.B Sinaan Baan Diidayoo, Runtii Baan Duugayoo, Waxaa Doobyeysa Been.
Qore:- Abdi-Shotaly
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...