Waddani Oo Ujawaabay Muuse Biixi Oo Ku Faanay In Doorashada Uu Ku Guulaysan Doono.

Friday May 10, 2024 - 11:47:21
Hadhwanaag
"Xiddiguhu Cismaanoow Halkii Xalay Ma Joogaan''
Hargaysa (HWN) Xisbiga Waddani ayaa taxay waxyaabaha ay tahay in Shacabka Somaliland kula xisaabtamaan xukuumada Kulmiye wakhti doorashada.


Xoghaye Maxamed Sadiiq Dhame oo kamid ah saraakiisha Xisbiga Waddani ayaa qoraalkan hoose oo uu baahiyay ku sheegay in Kulmiye lagula xisaabtamo jabka ciidanka Somaliland ka soo gaadhay dagaalkii Laascanood iyo qodobo kale.


"Xiddiguhu Cismaanoow Halkii Xalay Ma Joogaan’’

Xukuumadda KULMIYE iyo Madaxweyne Muuse Biixi waxa lagula Xisaabtamayaa Toddoba Sano oo uu talada hayay hadimadii, hagardaamadii iyo horumar la’aantii Bulshada uu baday, waxa horyaal ballanqaadkiisii wixii aan ka fulin oo ka badan waxa fulay, waxa lagu Xisaabinayaa xuduudihii sugnaa ee maanta la joogo halkii la joogay 24 Sano ka hor, waxa lagu Xisaabinayaa Ciidankii Qaranka ee Maxaabiis, Dhaawac iyo Dhimasho wixii soo gaadhay, waxa lagu Xisaabinayaa sinnaan la’aanta, sadbursiga, eexda, qabyaalada uu kala dhawaystay Shacabka, Muuse Biixi waxa lagu Xisaabinayaa Caafimaadka, Waxbarashada iyo Nolosha Bulshada ee dayacan, waxa aanu soo bandhigaynaa Toddoba Sano wixii dhacay, waxa aanu hor keenaynaa Bulshada Barnaamij, Qorshe iyo Siyaasad daboolaysa baahidooda iyo baylahda Qaranka." ayuu xoghayuhu qoraalkiisa ku yidhi.


Warkan ayaa ku soo beegmaya xili maanta uu Muuse Biixi kulan uu la qaatay xisbigiisa ku sheegay in Kulmiye ku guulaysan doono doorashada soo socota.
Muuse Biixi ayaana ku faanay in Kulmiye mudadii uu dalka xukumayay uu waxyaabo badan qabtay, isagoo ka gaabsaday inuu ka hadlo jabkii ciidanka ka soo gaadhay Laascanood iyo Maxaabiista lagaga hayo Somaliland Laascanood.


Hadhwanaagnews
Hargaysa/Office.

     
Loading...