Maxay Tahay Deeqaha Somaliland Diiday In Loo Soo Mariyo Somaliya?

Monday April 22, 2024 - 08:43:18
Hadhwanaag
"sababta aan sidaas u lahayna waxa weeyaan Soomaaliya iyo Somaliland..."



Wasiirka Qorsheynta Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Axmed Toorno) oo waraysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in dallalka deeqda bixiya ay tahay in ay toos kaalmadooda u siiyaan Somaliland, oo aanay cid kale waxa ugu soo dhiibin.


‘’Waxaynu ka codsanaynay deeq bixiyayaasha caalamiga ah in deeqda dadka reer Somaliland ay siinayaan in ay si toos ah ugu cawiyaan Somaliland, ama hay’ad calami ah ha u soo mariyaan ama shirkad gaar ah ha u soo mariyaan ama Dawladda Somaliland ha ugu dhiibaan ama iyaguba toos ha u fuliyaane, sababta aan sidaas u lahayna waxa weeyaan Soomaaliya iyo Somaliland berigii hore isku wadan bay ahaan jireen, laakiin hadda waa labo wadan oo kala duwan’’ ayuu yiri Wasiir axmed Toorno.


Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya 1991 kii laakiin wali dunida ma aqoonsan, waxana loola macaamilaa sidii gobol Soomaaliya kamid ah.
     
Loading...