Ujeedada Wargelin Booliska Somaliland Udiray Shacabka Maanta

Saturday April 20, 2024 - 13:14:37
"Sidoo kale waxaannu faraynaa wadayaasha Gaaddiidka ina ..."


WARGELIN :- Sidaa la socotaan waxa la galay xilli roobaad , iyadoo la sadaalinaayo raxmad badan oo keeni kara waxyeellooyin laga taxadari karo ,  Haddaba Waxaanu ku wargelinaynaa dhammaan shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku dhaqan goballada , degmooyinka iyo miyigaba ina ay ka fogaadaan goobaha Dooxyada , Laagaha , Biraha laydhka  iyo guud ahaan meelaha  Biyo-mareenada ah. Sidoo kale waxaannu  faraynaa wadayaasha Gaaddiidka ina ay taxadar badan muujiyaan xawaaraha gaaddiidkana dhimaan.

Xafiiska Warbaahinta  Ciidanka Booliska JSL.

Call  Center  ka guud  999 /520175
     
Loading...