Lafaha is gura, Xarragana haka tegina !

Saturday April 20, 2024 - 10:49:43
hadhawanaag
Xisbiyada Mucaaridka ahna sidoo kale waxaa laga



Farriintii ka timi Kulankii u danbeeyay ee ay wada yeeshaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo labada Hogaamiye Xisbi Mucaarid ee Wadani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Ucid Mudane Faysal Cali Waraabe, waxay farriintaasi nuxurkeedu ahaa in si Wanaagsan oo Sharaf iyo Nabadgelyo ay kujirto loo ololeeyo loona codeeyo, natiijadana la aqbalo.


Waxay ahayd farriin ilbaxnimo oo muujinaysay sida ay ummada reer Somaliland u yihiin dad bisil oo ilbax ah oo waayo aragnimo balaadhan u leh sida loo ololeeyo, loo codeeyo, loona aqbalo natiijada doorashada.


Shacbiweynaha reer Somaliland waxaa ku waajib ah inay si fiican u qaataan farriintaas ka timi madaxdooda oo ay u ololeeyaan si ilbaxnimo ku jirto oo aan cay iyo qabyaalad lahayn, lagana fogaado wax kasta oo Ummada reer Somaliland kala fogaynaya.


Xukuumada uu hogaaminayo Mudane Muuse Biixi Cabdi waxay Shacbiweynaha reer Somaliland usoo bandhigi doontaa wax-qabadka muuqda ee dhinac walba leh ee ay ka qabatay dalka mudada uu Xisbiga Kulmiye Talada Dalka hayay, waxa kale oo ay Ummada reer Somaliland usoo bandhigi doonaan qorshayaasha u degsan iyo himilada horumarineed iyo aqoonsi ee ay Qaranka gaadhsiin doonaan.


Xisbiyada Mucaaridka ahna sidoo kale waxaa laga filayaa inay Ummada usoo bandhigaan waxay ku doonayaan in loogu codeeyo.


Ugu danbayn waxaan shacbiga reer Somaliland usoo jeedinayaa inay gacmaha is qabsadaan oo ay si ilbaxnimo ku jirto u gaiaan ololaha doorashada, kana fogaadaan qabyaalada,iyo wixii Cay laf-jab ah ee Ummada kala qaybinaya.


Waxaan leeyahay lafaha is gura, xarragana yaan laga tagin.

Somaliland ha Guulaysato

Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...