Maxay Tahay Fariinta Siyaasi Cali Guray Udiray Taageerayaasha Waddani?

Saturday July 22, 2023 - 09:06:44
Hadhwanaag
''Hadii wax laga qaadayo beri hore ayaa karkaarka la waydaarin lahaa''



Hargaysa (HWN) Siyaasi Cali Guray ayaa ka hadlay xaalada uu haatan ku jiro xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

 

Cali Guray ayaa usoo jeediyay taageerayaasha xisbiga Waddani in aan caadifada lagaga faa’iidaysan ee ay isdajiyaan, sida uu siyaasigu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay:-

 

Cabdiraxmaan Waddadii Guusha Wuu Hayaa Guushina Way U Muuqataa

 

WADDANI wuu hayaa wadadii guusha. Cabdiraxmaan Cirro teelo looma dhigan eh geed dheer iyo geed gaabanba waa la isugu taagay sidii guusha loo seejin lahaa. Wax walba waa lagu dayay oo la dhaqaajin kari waa. Hadda guushi way u muuqataa caadifina maaha ee nin miyir iyo maan kaashada fartiisana inta fahmi kartaa ay tiro yar yihiin. Hadii wax laga qaadayo beri hore ayaa karkaarka la waydaarin lahaa. Waa nin isu soo jeeda garanaya wax uu doonayo, halka uu u socdo iyo mar kasta wadada ugu toosan, uguna dhaw ee suurtogalka ah. Cabdiraxmaan, Xaasha maaha nin dhiigga dadka damaciisa ku doona sida kuwa kale.


Markaa Waddani iyo taageerayaashiisa waxan leeyahay yaan cadifiyadiina laga faaiidaysa oo aan la idinku riixin waddo jar iyo haadaan ah.


Hadda maba jirto wax la ogolaan karo ama la diidi karaa komishanku doorasho aanu sharci uu ku qaban karo haynin ayaa baa la yidhi iskaga dhawaaqa kuna dhawaaqe eh halkeey marinayaan sharciba ma hayaane. Sharciguna iyaga iyo Maxkamadda Sare midna kuma xidhna ee xeerdejinta ayuu u yaalaa. Si uu noqon doonaana maaha qasab in uu noqdo sida komishanku maleawaalayo. Ilaa sharci loo helo maaha in mucaaridku ku mashquulo

     
Loading...