Muxuu Yahay Hadalka Waddani Ka Soo Yeedhay Ee Sida Kulul Uu Uga Jawaabay Buuni?

Saturday April 20, 2024 - 08:55:50
Hadhwanaag
"Maanta in ay yidhaahdaan Maxkamad ha la soo taago Madaxweynihii hore ..."


Hargeysa (HWN)- Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha iyo arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somalilnad Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni ayaa jawaab ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.


Wasiir Buuni oo shalay u waramayay Warbaahinta qaranka ayaa waxa uu sheegay in eedaymaha Xisbiga Waddani u soo jeediyeen Xukuumadd ay la mid yihiin kuwii ay awalba caadaysteen ee madhalayska ahaa.


Wasiir Buuni oo arimhaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Xisbiga Waddani iyo eedayntiisu waa tii ay awalba caadaysteen, waa caadoodii iyo wixii awalba ay la soo taagnaayeen, Dekeda Berbera ee ay shirkadda DP World maalgalinaysay waa kii Cabdiraxmaan Cirro ku dhawaaqay in Maxkamad la soo taago Madaxweynihii hore Axmed Silaanyo iyo Guddoomiyihii Xisbiga Kulmiye ee wakhtigaas ahna Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.”


Wasiir Buuni waxa uu intaasi ku daray "Maanta in ay yidhaahdaan Maxkamad ha la soo taago Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Dekeda Lughaya ayaa la dhisayaa. barina waxa aad arki doontaan marka Dekeda Lughaya la furayo way tagi doonaan, waana eedayn madhalaysa oo ay u soo dhiibaan kuwooda jahliga ka ah horumarka dalka oo aanay jirin wax aqoona oo ay leeyihiin oo ka aradan damiirka wanaagsan. markaa horumarka dalku wuu soconayaa, Dekedii Lughaya waa bilaamatay, horumarka kale ee dalkuana wuu soconayaam difaaca dalka wuu sugan yahay. waxaana Xisbiga Kulmiye lagu dooran doonaa mar saddexaad wixii uu dalka gashaday iyo difaaca qaranimada, kuwii nabada kharbudayay ee nabada hala ilaaliyo ka Xanaaqaya, waxaana ay aragti kala yihiin Xasan Sheekh”.

 
     
Loading...