(Sawirro) Ciidamo katirsan Milatariga Somaliland oo sameeyay dhoolo-tus diyaar garow ah

Thursday April 18, 2024 - 10:54:03
hadhwanaagtv
Gudoomiyaha gobolka Awdal Xasan Daahir Xadi iyo masuuliyiin


Ciidamo katirsan milatariga Somaliland oo ku jira xerada Gorayo-cawl ee kutaalla gobolka Awdal ayaa sameeyay dhoolo-tus cajiib ah, oo ay ugu diyaar garoobayaan xuska 18-ka May oo ah markii ay ku dhawaaqeen gooni u goosadka Somaliland.


 

Ciidamada ku jira xerada ayaana sameeyay gaardo ka ciyaar nuucyo kala duwan ah, waxa ay sidoo kale ciidamada halkaasi kuoo bandhigeen awoodooda ciidan, iyagoona tilmaamay in ay diyaar u yihiin difaaca deegaannada Somaliland.


 

Gudoomiyaha gobolka Awdal Xasan Daahir Xadi iyo masuuliyiin kale oo la socotay ayaana daawaday dhoolo-tuska ay ciidamada milatariga Somaliland ku sameeyeen xerada Gorayo-cawl ee gobolka Awdal.



 

Maamulka Somaliland ayaana si weyn u xusa 18-ka bisha May sannad kasta, taariikhan ayaana ah markii ay ku dhawaaqeen dowlad madax-bannaan oo ka goosatay Soomaaliya inteeda kale, inakstoo aysan wali helin aqoonsi rasmi ah.









     
Loading...