Guddida Doorashooyinka Somaliland oo Muddeeyay Jadwalka Doorashooyinka ee Madaxtooyada iyo Ururada.

Thursday April 18, 2024 - 09:08:32
hadhwanaagtv
Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxay xog ka siiyeen...



Komiishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay inay toddobaad gudihiisa haddii ALLE yidhaadhdo ku soo saarayaan liiska codbixiyeyaasha kama dambaysta ah iyo jadwalkii doorashooyinka isku sidkan ee madaxtooyada iyo ururada siyaasadda oo u muddaysan inay qabsoomaan 13 November 2024.


 

Xubnaha Komishanka ayaa arrintan ka sheegay kulan ay shalay la qaateen xisbiyada qaranka iyo wefti ka socday dawladda Sweden.


 

Sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay bogga Facebook ee guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, kaas oo u dhignaa sidan.


 

"Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa waxay shalay xafiiskooda ku qaabileen Wefti ay hoggaaminayoSafiirka Sweden Mr. Joachim Waern oo uu weheliyo Mr. Johan Svensson.


 

Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxay xog ka siiyeen Safiirka halkay marayaan hawlaha diyaar garowga doorashadu, waxay u caddeeyeen Safiirka in todobaadkan ay soo saarayaan liistada Codbixiyeyaasha Kama-dambaysta ah iyo Jadwalka Doorashooyinka isku-sidkan ee Madaxtooyada iyo Xisbiyada Qaranka.


 

Komishanka Doorashooyinkuwaxay ka codsadeen Safiitka iyo dawladda Sweden inay ka taageeraan arimaha doorashooyinka gaar ahaan dhaqaalaha.


 

Geesta kale waxa aanu la kulaney masuuliyiinta saddexda xisbi Qaran, UCID, WADDANI iyo KULMIYE, oo aanu kawada hadalnayhawlaha doorashooyinka iyo soo saarista jadwalka labada doorasho ee madaxtooyada iyo asxaabta Qaranka, waxa aanu isla qaadanay in doorasho xor iyo xalaal ahi dalka ka dhacdo.

     
Loading...