Wasiirka Deegaanka oo Shaacisay in Wasaaradda Warfaafinta oo Noqotay Horyaalka Dhir Beerista Hay'adaha Dawladda.

Thursday April 18, 2024 - 09:06:38
hadhwanaagnews
Wasiirka Warfaafinta Md. Cali Xasan Maxamed



Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku guulaysatay horyaalnimada dhir beerista Wasaaradaha iyo Hay’adaha dalka, sidaasna waxa shaacisay Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka cimilada Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare.


 

 

 

Wasiirka Warfaafinta Mudane. Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo ay weheliyeen Wasiir ku-xigeenka Mudane. Siciid Xasan Habbane iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), ayaa xarunta Wasaaradda Warfaafinta ku soo dhaweeyay Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka cimilada Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare oo soo kormeertay olole dhireyn ah oo wasaaradda warfaafintu ay xayndaabkeeda kaga beertay in ka badan 5 boqol oo geed oo kala duwan.


 

 

Wasiirka Warfaafinta Md. Cali Xasan Maxamed, ayaa sheegay in 15kii Bishan ay Wasaaradda Deegaanka kala qaybgaleen ololaha dhireynta dalka ee ay hormuudka ka tahay Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimiladu waxaanu caddeeyay in wasaaradda Warfaafintu bilowday olole lagu beeray in ka badan 560 geed oo kala duwan, kuwaas oo uu tilmaamay inay wax ka tari doonto kulaylka iyo isbeddelka cimilada.


 

 

 

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka cimilada Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare ayaa iftiimisay in ay u riyaaqday qorshaha wasaaradda warfaafintu ay ku beertay dhir aad u badan oo laga beeray masaafo ballaadhan oo ku dhex taalla xarunta wasaaradda.


 

 

"Aad iyo aad baan u faraxsan nahay waayo marka aan arko geed la beeray waan ku farxaa.Runtii wasaaradda warfaafintu isbeddelka ay samaysay ee ay ku dhiraysay wasaaraddii aad baan ugu hambalyaynayaa Wasiirka. Waxaan leeyahay wax kale qaban maayee waa in aan shahaado sharaftii u horreysay ee wasaaradaha dalka ee dhir beerista aan idin siinno,”ayay tidhi Wasiir Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare waxaanay ku baaqday in wasaaradaha kalena kaga daydaan dhinaca dhir beerista.


 

 

 

Waxa kaloo ay ku ammaantay Wasiir Cali Mareexaan in wasaaradii biyaha ee laga soo beddelayna uu billicdeeda kor u qaaday, isla markaana laga beeray dhir badan.


 

 

 

Wasiirka Deegaanku waxa ay ku diirsatay isbeddelka muddada kooban ku hirgalay ee Wasaaradda Warfaafinta oo la dhigay 7000 oo mitir oo marmar ah iyo jid laami ah oo dheer oo wasaaradda laga dhex sameeyay, taasi oo ay carabka ku dhufatay "in habluhu aanay kabo dib ula dhici doonin.”


 

 

Wasiir Shugri waxa ay xustay in wasaaradda warfaafintu ay waajib culus u hayaan qaranka isla markaana ay dedaal ugu jiraan sidii ay iskugu xidhi lahaayeen dawladda iyo dadweynaha Somaliland.

     
Loading...