Mudaneyaasha Wakiillada oo Su'aalo weydiiyay Wasiirka Gaashaandhigga.

Wednesday April 17, 2024 - 09:50:59
hadhawanaag
Sidoo kale waxa ay awood u leeyihiin in ay hubin fara badan..


Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhiga Mudane Rooble Muuse Cabdi Cilmi, ayaa hortagey guddida arrimaha gudaha, nabadgelyada iyo difaacada ee golaha wakiillada Somaliland, si ay uga gutaan Waajibaadkooda Xeerku jideeyay, loona hubiyo Shuruudaha ku Xusan Xeerka, kadib markii madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi u soo gudbiyay golaha si ay waajibaadkooda dastuuriga ah uga gutaan.


 

Guddida Arrimaha gudaha, nabadgelyada iyo Difaaca ee golaha wakiillada Somaliland ayaa ay masuuliyadoodu tahay inay hubiyaan masuulka loo soo magacaabay wasaaradda difaaca, inuu buuxin karo iyo in kale jagadaasi, isla markaana yahay masuulkii ku haboona.


 

Sidoo kale waxa ay awood u leeyihiin in ay hubin fara badan ku sameeyaan, shahaadooyinkiisa iyo dhukumeytiyadiisa la xidhiidha taariikhdiisa nololeed, aqoontiisa, khibrada iyo waayo aragnimada uu u leeyahay masuuliyada loo igmaday.


 

Gaba-gabada, guddidu waxa ay natiijada baadhitaankooda masuulkaasi ay ugudbiyaan golaha weynaha si uu waajibaadkiisa dastuuriga ah uga guto.

     
Loading...