Xukuumada Somaliland oo Boorama ka Fulisay Mashruuc Ay ku Baxday 12 Milyan oo Dollar

Monday April 15, 2024 - 10:55:26
hadhwanaagtv
Mashruucan oo hore xukuumaaddu ku dhagax dhigtay...


Wasiirrada Wasaradaha qorshaynta iyo Biyaha oo uu weheliyo Badhasaabka Gobolka Awdal ayaa soo kormeeray dhamaystirka wajiga kobaad ee masharuuca biyo balaadhinta Borama.


 

Mashruucan oo laga maalgaliyay sanduuqa horumarinta Somaliland(SDF) ayaa ugu horreyn waxa ka warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maaray, isu duwaha wasaaradda biyaha, maamulaha mashruucan iyo gudoomiyaha gobolka oo dhammaantood ku dheeraaday waxtarka ballaadhan ee mashruucani u leeyahay degaanka, gaar ahaan magaalada Boorama.


 

Mashruucan oo hore xukuumaaddu ku dhagax dhigtay ceelal biyood laga sameeyo duleedka magaalada Boorama, ayaa noqonaya mashruucii ugu ballaadhnaa ee dhanka biyaha ah ee dawladda Somaliland ku samayso biyo ballaadhinta gobolka Awdal. "Saddexdan ceel waxa la dhagax dhigay December 2023. Ceelashaasi waxaynu u joognaa maanta kii saddexaad tijaabadiisii, labada kale waa ay dhammaadeen. Saddexdan ceel waxay kala qodon yihiin dherer ahaan, 203, 230 iyo 278 mitir ahaan, waxaanay soo saarayaan biyo gaadhaya ilaa saddex kun oo mitir kiyuubik maalintii, iyadoo sanduuqan SDF uu hore u fuliyey mashruuca biyo gaadhaya 3,000 mitir kiyuubik, markaa guud ahaan marka laysku geeyo biyaha ay soo saarayaan ceelasha laga maalgeliyey SDF waxay dhan yihiin ilaa lix kun oo mitir kiyuubik.” Sidaasi waxa sheegay maamulaha sanduuqa SDF u qaabilsan mashruucan.


 

Ugu dambeyn wasiirka wasaaradda biyaha, Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo madasha ka hadlay, ayaa sheegay dedaallada ay xukuumaaddu ugu jirto sidii biyaha loo ballaadhin lahaa, isla markaana bulshada Somaliland degmo ilaa gobol ay u heli lahayd biyo ku filan.


"Maanta waxaynu u taagnanahay in Boorama ay hesho biyo sagaal kun oo mitir kiyuubik, halkii ay hore uga heli jirtay saddex kun oo mitir kiyuub. Waa Illaahay mahadii in maanta lixdaa kun ee mitir kiyuubik ay dawladda maantu keento. Waxan u malaynayaa mashruucan in lacag iyo waqti yar aanu gelin, taasna waxan filayaa in reer Boorama ay la socdaan, oo koley reer Boorama waxa lagu sheegaa inay yihiin hoyga aqoonta. Baahida biyo ee maanta halkan taala,


Boorama ilaa tuulooyinkeeda nawaaxiga, waxay noqonaysaa ilaa shan iyo toban kun oo mitir kiyuubik, laakiin dawladda maanta joogta waxay keentay lix kun oo mitir kiyuubik, iyadoo dawladdu ka jawaabayso baahida biyo ee gobolku qabo, intan ku ekaan mayso, saddexda kuna waanu daba soconaa, si biyaha ay ugu wadhwadhaan. Laakiin maanta intan Boorama waxan cadeynaynaa in maanta baahi biyo aanay ka jirin magaalada Boorama oo ay heleen biyo ku filan.” Ayuu yidhi wasiir Koore.

     
Loading...