Islaamka Iyo Firqooyinka Diinta.

Monday April 15, 2024 - 09:53:29
hadhwanaagnews
n firqooyin la noqdo Alle waa inoo diiday...




Waxaa isweydiin mudan Maxaa Inaga ba’aya haddaan Islaam kaliya ku ekaano oon isku xiriirino isugu gargaarno,intaan isku raacsanahay ku wada socono,farqiyada iyo kala aragti duwanaanta isugu dulqaadano,si Nabad ahna u wada noolaano,wixii natiijo iyo kala xukminahna Alle u dayno,waayo Ilaahay Muslim uun ayuu inoo yaqaan,halkaana ha dhaafina ayuu inagu yiri.


"مِّلَّةَ أَبِيكُمْ إِبْرَاهِيمَ ۚ هُوَ سَمَّاكُمُ الْمُسْلِمِينَ مِن قَبْلُ وَفِي هَٰذَا"

"Diintii Aabihiin Ibraahiim ayuu idiin dooray Alle oo isagaa Muslimiin idinku magacaabay mar hore iyo hadaba..”


In firqooyin la noqdo Alle waa inoo diiday oo taa wuxuuba meel la dhigay shirki iyo gaalnimo.

"وَلَا تَكُونُوا مِنَ الْمُشْرِكِينَ (31) مِنَ الَّذِينَ فَرَّقُوا دِينَهُمْ وَكَانُوا شِيَعًا ۖ كُلُّ حِزْبٍ بِمَا لَدَيْهِمْ فَرِحُونَ (32)”


"Ha ka mid noqonina Mushrikiinta,kuwaas oo intay diinkoodii ku qaybsameen noqday firqooyin iska soo horjeeda oo ay koox kasta siday wax u aragto kaliya sax la tahay kuna faraxsan tahay”.


Waxaa kale oo uu Ilaahay sareeye Rasuulkeena Muxamad ah scw ku yiri:-

"إِنَّ الَّذِينَ فَرَّقُوا دِينَهُمْ وَكَانُوا شِيَعًا لَسْتَ مِنْهُمْ فِي شَيْءٍ إِنَّمَا أَمْرُهُمْ إِلَى اللَّهِ ثُمَّ يُنَبِّئُهُمْ بِمَا كَانُوا يَفْعَلُونَ"


"Kuwa diintoodii ku qaybsamay ee noqday kooxo iska soo horjeeda adiga wax kuu galay majiraan,arintooda Ilaahay bay utaal isagaana kula xisaabtami doona oo u sheegi doona wixii ay fali jireen”.


Rasuulka scw wuxuu ku yiri Xudeyfa rc:-

".. فَاعْتَزِلْ تِلْكَ الْفِرَقَ كُلَّهَا وَلَوْ أَنْ تَعَضَّ بِأَصْلِ شَجَرَةٍ حَتَّى يُدْرِكَكَ الْمَوْتُ وَأَنْتَ عَلَى ذَلِكَ".رواه البخازي.


"Ka dheerow firqooyinkaas oo dhan xitaa haday kugu kalifto inaad kaligaa geed jiridiis qaniinto ilaa aad ka dhimato oo mowdka kuu yimaado adiga oon firqana ka tirsaneyn”.


Islaam isaga is Nabad galiyay Umadaha kale een islaanimada la wadaagina nabad galiyay haddii aysan iyagu soo doonanin ayuu Ilaahay Islaam quman u yaqaan sida uu Rasuulkiisa Muxamad ah scw noo sheegay.


"وعن أبي هريرة عن النبي صلى الله عليه و سلم قال : المسلم من سلم الناس من لسانه ويده والمؤمن من أمنه الناس على دمائهم وأموالهم"رواه احمد' وقال شعيب الأرنؤوط : إسناده صحيح على شرط الشيخين.


"Muslin waxaa ah qofka ay dadka ka Nabad galaan Afkiisa iyo Adinkiisa,Mu’mina waxaa ah midka dadka u nabad galiya dhiigooda iyo maalkooda”.


Firqooyinkii uu Eebe oga digay Muslimiinta waaba diyaar oo wayba noqdeene,midda Kitaabka Eebe iyo wadadii Rasuulka suuban scw ku toosan uun aan ku dadaalno in aan ka mid noqono.


In kasta oo Uu Rabbi uun garanayo cidda wadadiisa haysa misana waxaa jira Tilmaamo uu Nabiga scw bixiyay oo intooda badan tilmaamaya in ay tahay Jamaacada weyn iyo halka ay Muslimiinta waqti kasta u badan yihiin.


Rasuulka scw wuxuu yiri:-


"إن أمتي لا تجتمع على ضلالٍ فإذا رأيتم اختلافًا فعليكم بالسواد الأعظم"أخرجه أحمد في مسنده وابن ماجه وصححه السيوطي في الجامع الصغير. انظر الجامع الصغير وشرحه فيض القدير في ج 2 ص 1302 رقم (3950).


"Umadaydu baadi kuma kulanto ee haddii aad Khilaaf aragtaan waxaan idinku ogahay hadba halka ay Umaddu u badan tahay”.


Waxa inta badan laga hadlayo waa Caqiidada iyo Asalka Diinta iyo Iimaanka ee Furuucda iyo Axkaamta maaha.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...