Maxay Kenya U Dooneysaa Wada Hadashiinta Somaliya iyo Itoobiya ?

Sunday April 14, 2024 - 09:34:43
Hadhwanaag
"Laakiin sida uu qabo sharciga caalamiga ah ee badaha, waxay diyaar u tahay ..."



Soomaaliya ayaa ku gacan seyrtay sheegashada Kenya ee ah in ay Itoobiya iyo Soomaaliya u soo bandhigtay ikhtiyaarka ah in heshiis laga gaaro adeegga xeebaha gobolka si loo qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa labada dal.

Soo jeedinta ay Kenya soo bandhigtay ayaa ahayd mid fursado u abuureysa dalalka aan badda lahayn ee gobolka si ay u helaan adeegyada marin badeedka iyo faa’iidooyinka heshiiska ganacsiga.


Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in uusan jirin wadahadal heshiis ku salaeysan oo ay kala hadashay Kenya.


Kusimahihii Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Balcad, ayaa boggiisa X ee loo yaqiinnay Twitter ku sheegay arrintan isagoo yiri, "Wararka ku saabsan heshiiska badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ee Kenya ay soo dhex gashay waa kuwo aan waxba ka jirin.”


Wuxuu intaas ku daray in "Soomaaliya aysan gorgortan ka geli doonin madax bannaanideeda” wuxuuna codsaday "in diiradda la saaro nabadda iyo xasilloonida gobolka”.


Xoghayaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in Kenya ay soo jeedisay in Jabuuti iyo urur goboleedka IGAD ay ka faa’iideystaan heshiisyo ganacsi.


"IGAD waxa ay diyaarin kartaa sharci lagu jaangooyo isticmaalka adeegyada badda” ayuu yiri sarkaalka. Haddii soo jeedinta Kenya la aqbalo, Itoobiya waxay lahaan doontaa "doorasho badqab oo badda ah," Korir ayaa yiri.

Sarkaalkan sare ee arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegay in doorashada ay Kenya soo bandhigtay ay xaqiijinayso madax banaanida Soomaaliya marka laga reebo Itoobiya.


Dhamaadkii bishii December, Itoobiya waxay heshiis is-afgarad oo xagga dekedaha ah la gashay Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.


Heshiiskan is-afgaradka ah ayaa u oggolaanaya Itoobiya inay hesho xeeb dhererkeedu dhan yahay 20 KM, taasoo u sahlaysa inay mustaqbalka ka samaysato saldhig ciidan.

Wasiiru dawlaha ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in aanay marnaba aqbali doonin qorshaha ay Itoobiya ku doonayso in ay saldhig ciidan uga samaysato Somaliland oo uu sheegay in uu yahay dhul ay leeyihiin oo katirsan Soomaaliya.


Waxa ay Soomaaliya ku dhawaaqday in Itoobiya ay bur-buriso heshiiska ay la gashay Somaliland ka hor inta aan la gelin wadahadal laba geesood ah oo ku saabsan dekedda.


"Soomaaliya waligeed ma aqbali doonto saldhig ciidan. Laakiin sida uu qabo sharciga caalamiga ah ee badaha, waxay diyaar u tahay isticmaalka dhinaca ganacsiga ah.


Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in laga wada hadlo fikradaha lagu ilaalinayo danaha dalalka "Qarannimada, Madaxbanaanida Siyaasadeed iyo Midnimada”.


Xoghayaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Korir ayaa sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay ka fiirsanayaan soo jeedinta ay Kenya u soo bandhigtay. Waxay sheegeen in madaxda labada dal lagu casuumay inay si fool ka fool ah u kulmaan si ay u sii ambaqaadaan doorashada la soo jeediyay.
Heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya la saxeexatay Somaliland si ay u hesho xeeb dhererkeedu dhan yahay 20 KM, ayaa Soomaaliya si weyn uga caraysiiyay, isla markaana xiisad weyn ka abuurtay gobolka.


Marka laga soo tago eedeymaha iyo hadallada kulul ee soo noqnoqday ee ka soo yeeraya Soomaaliya, waxay sidoo kale arrintan u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.


Dhowaan ayay ahayd markii Soomaaliya ay xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Itoobiya, waxayna ku amartay safiirka Itoobiya iyo dublamaasiyiinta inay ka baxaan Soomaaliya. Safiirka Soomaaliya ee Addis Ababa ayaa sidoo kale lagu amray inuu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho.


Itoobiya iyo Somaliland ayaa heshiiskii is-afgarad ee ay kala saxiixdeen waxaa la sheegay in loo bedeli doono heshiis wax ku ool ah muddo gaaban gudaheed.


Si kastaba ha ahaatee, afar bilood ayaa ka soo wareegtay markii la saxiixay Heshiiska Is-afgaradka, ilaa hadda si rasmi ah looma sheegin halka uu marayo iyo dhaqan-gelintiisaba.


BBC
     
Loading...