Muxuu Yahay Shirka Kenya Ku Dhex Maray Xasan Sheekh & Sheekh Shariif?

Friday April 12, 2024 - 13:28:51
Hadhwanaag
"Shirkan u bilowday labadan masuul ayaa wararku sheegayaan in ay kasoo shaqeeyeen ..."



Muqdisho (HWN) Madaxweynaha Somaliya, Xasan Shiikh iyo Madaxweyne hore Shariif Sh.Axmed ayaa kulamo uga bilowdeen magaalada Nairobi, xilli Shariif uu muddooyinkii danbe si weyn uga soo horjeedey siyaasadda xukuumadda Xasan.
Ujeedka shirka labada Madaxweyne u furmay ayaa ah sidii looga tashan lahaa arimaha dastuurka, xoojinta la dagaalanka argagixisada iyo sidii is-faham looga gaari lahaa arrimaha masiiriga ee dalka .

Shirkan u bilowday labadan masuul ayaa wararku sheegayaan in ay kasoo shaqeeyeen siyaasiyiin iyo ganacsato kasoo jeeda beesha Abgaal, kuwaa oo labada masuul ka shaqeenaya in ay isku soo dhawaadaan.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku guda jira inuu la kulmo xubno kale oo ka tirsan Mucaaradka dowladda, kuwaa oo fadhiisin ka dhigtay magaalada Nairobi .

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeday wax ka bedelka Dastuurka, waxa uuna isbaheysi la sameestay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo iyo Madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale Xasan iyo dhigiisa Kenya ayaa lagu wadaa inay xal uhelaan khilaafka ka taagan qaadkii Kenya gayn jirtay Somaliya oo hakad ku yimid maalmihii ugu dambeeyay.

     
Loading...