Sucuudiga Oo Gef Ku Tilmaamay Heshiiska Itoobiya Iyo Somaliland Ee Badda.

Sunday April 07, 2024 - 10:01:41
Hadhwanaag
"Labada hoggaamiye oo ka wada hadlay xaaladda gobolka"


Makkah: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa kulan la qaatay Dhaxal-sugaha dalkaas, Amiir Maxamed Binu Salmaan Binu Cabdi-casiis.


Labada hoggaamiye oo ka wada hadlay xaaladda gobolka, xoojinta iskaashiga iyo xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sucuudiga, Arrimaha Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo Ganacsiga, Difaaca iyo Amniga, madaxbannaanida Soomaaliya, Boqortooyada Sucuudi Carabiya waxay soo bandhigtay sida ay u garab taagan tahay midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo tilmaamay ku tilmaamay gef heshiiska  Itoobiya ay la saxiixatay Soomaaliland, kaasi oo sheegeen inuu caqabad ku yahay daris-wanaagga iyo xasilloonida Gobolka.
     
Loading...