Sanbaloolshe oo markii saddexaad loo magacaabay agaasimaha NISA.

Thursday April 04, 2024 - 14:35:27
hadhwanaagnews
"Agaasimaha Hey'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka,..



Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyay in Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) inuu noqdo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.


 

Waa markii saddexaad ee Sanbaloolshe loo magacaabo agaasimaha NISA.


 

Agaasimihii hore ee NISA Mahad Salaad ayaa bayaan uu soo saaray u hambalyeeyay Sanbalooshe, isaga oo sidoo kale u mahad-celiyey madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.


 

Golaha Wasiirrada ayaa u mahadceliyay agaasihii hore ee NISA, sida ay qortay warbaahinta dowladda Federaalka. Ma cadda sababta keentay inuu shaqada NISA ka tago Mahad Salaad.


 

"Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo dhowr jeer oo hore soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan, Danjire iyo Agaasimaha Hey’adda NISA oo uu noqonayo markii saddexaad,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

     
Loading...