Wasiir Cali Mareexaan Oo Doorashada & Xubinta Ka Banaan Komishanka Ka Hadlay.

Monday April 01, 2024 - 13:10:10
hadhwanaag
"xisbiga WADDANI tartanka waxa ay ku yara darayeen hanjabaad"

Hargaysa (HWN) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta, Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay fahantay xaqiiqda oo ay samaysteen dastuur dalkooda u gaar ah oo aan  khusayn Somaliland.

Wasiirku wuxuu ku celiyay  in xukuumadda  ay ka go’an tahay sidii ay dalka uga qabsoomi lahaayeen doorashooyinka madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda ee muddaysan 13ka November ee sannadkan.

"Xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE  hore way u sheegeen doorashada, nidaamkeediinna way wadaan oo xataa dhaqaalaheedii waa la diyaariyay. Waxa u dambeeyay madaxweynuhu wuu gudbiyay  xubintii komishanka ee u dambaysay toddobaadkan, markaa waxa aynu isku diyaarinaynaa doorasho wanaagsan oo sidii ay inoogu qabsoomi jirtay iyo si ka sii wacan inoogu dhacda,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta oo u warramayay Telefishanka SAHAN, isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu yidhi "mucaaridka oo dhan ma aha ee xisbiga WADDANI tartanka waxa ay ku yara darayeen hanjabaad. Markaa taas ayaa keentay in aanu nidhaahno waa la tartamayaaye u sii diyaar garooba ‘dhicis iyo guul labadaba’ haddii aad isa sii siiso inaad guulaysanayso, markaad madaxa dhulka ku dhufataad aqbali kari waayaysaa oo waad dayoobaysaa.”

"Marka doorashadu soo dhawaato waa la kaftamaa oo hadalka ayaa la isku tuurtuuraa, markaa waxa la yidhi dagaal hortiina lama faano dabadiina lama calaacalo,”ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiir Cali Mareexaan oo la weydiiyay waxyaabaha uu ku soo arkay magaalada Burco oo uu dhawaan ka soo laabtay, waxa uu yidhi "Burco way dhismaysay oo way qurux badnayd, horumar badan oo ay sugayeen oo ay ka hadlayeen oo ay xaq u lahaayeen inay ka hadlaanna wuu jiray, doorashooyinka  way sugayeen oo halkii ay u badnaan jireen ayey iska mari doonaan haddii ALLE ka dhigo.”
     
Loading...