Dakhliga Somalia oo koboc lama filaan ah sameeyay.

Thursday March 28, 2024 - 09:57:59
hadhwanaag
Saadaasha sanadkan ayaa la filayaa in noqoto, sida..


Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa sare u kacay, taasina waxaa sabab u ah dakhliga gudaha oo kordhay sida lagu sheegay warbixin ay dawladda Soomaaliya soo saartay. Sanadkii hore waxaa dalka u soo xarooday sida warbixinta lagu sheegay $329.5 million.


 

Dakhliga saxda ayaa ka badnaa intii markii hore la filayay oo aheyd $283.3 million. Waxayna taas ka dhigan tahay in 25% dhaqaalaha dalka uu sare u kacay.


 

Halka ugu badan ee dhaqaalaha ka soo galay dowladda ayaa ah meelaha ay alaabuhu dalka kasoo galaan sida dekadda iyo garoonka diyaaradaha. Waxay dowladdu dakhli ka heshay sidoo kale canshuuraha u soo xarooday. Canshuurta gudaha waxaa ka soo xarooday 53% halka tan kastamyadana ay aheyd 47%.


 

Saadaasha sanadkan ayaa la filayaa in noqoto, sida ay warbixinta shegayso, 345 milyan oo doollar. Waxaa canshuuraha laga filayaa $241.4 million halka dakhliga kale ee aan aheyn canshuuraha uu noqonayo 13.7 milyan oo doollar.


 

Agaasinka dakhliga ayaa sheegay in sanadkan uu soo xarooday dakhli badan. Guud ahaan dhaqaalaha gudaha Soomaaliya ayaa kor u socday intii u dhaxaysay 2013-kii ilaa iyo sanadkii tagay ee 2023-kii.


 

Shaafici Yuusuf Cumar waa dhaqaaleyahan jooga Muqdisho wuxuuna leeyahay "Kororkan waxa uu ka yimid amniga dalka oo hagaagay iyo in tallaabo hor leh la qaadayo, waxaa lagu dhiirran karaa in la maal gashto dalka iyo dowladda oo xoojisay canshuuraha la qaado, cunaqabteynti oo la qaaday iyo deyntii oo la cafiyay waxyaabahaas oo dhan oo is kaashaday ayaa keenay.”


 

Soomaalida iyo Soomaaliyaba waxaa la rumeysan yahay in kororka dhaqaalaha uu wax weyn ka tari karo sida uu qabo mar kale Shaafici.


 

"Waxa ay ka dhigan tahay in ay wax badan is beddeli doonaan, laakin intaas kaliya kuma filna, waxaase muuqata in shirkadaha wax maalgashta ay ku soo dhiirran karaan Soomaaliya maadama ay haatan kulmeen koboc dhaqaale iyo amniga oo sii hagaagaya,” ayuu sii raaciyay.


 

Waxa uu sheegay in beesha caalamku ay horay ugu baaqday Soomaaliya in ay kobciso dhaqaaleheeda, walow ay tahay wax maalin ama labo aan ku hagaagi Karin.


 

Marka laga tago gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, gobollada dalka waxaa jira ganacsi badan iyo alaabaha soo dega oo barbar socda dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho


 

Shaafici waxa uu qabaa in dhaqaale intan ka badan uu soo bixi lahaa haddii la mideeyo canshuuraha iyo ganacsiyada kale ee gobollada iyo kan caasimadda.


 

"Waxa aad muhiim u ah in ay hagaagto istaraatiijiyadda dowladda dhexe iyo dowladda federaalka ah oo ay tahay in dhinac walba laga mideeyo, in candhuurta la mideeyo in iyo in ganacsiyada guud iyo howlaha kaleba la mideeyo waa muhiim,” ayuu yiri Shaafici Yuusuf.


 

"Baayac cmustharka caalamiga ayaa kaalin muhiim ah kaga jira dhaqaalaha dalka. Wuxuu kor u qaadaa kobaca, iyo shaqaaleynta.”


 

Soomaaliya waxay si weyn ugu tiirsan tahay waxyaabaha ay dibadda kala timaado taas oo qeyb ka ah deganaashaha dhaqaale ee dalka oo dhan.


 

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dakhliga gudaha dalka uu u adeego qaabka aas aasiga ah ee horumarinta dalka.


 

Hadalka kasoo baxay dowladda ayaa lagu yiri, "Dakhliga sooyaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu eegay ilaha dhaqaalaha, sida cashuuraha, kastamka, deeqaha shisheeye, iyo Khayraadka dabiiciga ah.”


 

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in marka la qiimeeyo isbeddellada dakhli ee hadda jira, daneeyayaashu ay heli karaan "fursad cad.”


 

Falanqaynta ayaa ka kooban qaybaha sida beeraha, kaabayaasha horumarinta, dalxiiska, iyo maalgashiga shisheeye. Iyadoo la baarayo caqabadaha iman kara.


 

Sagaalkii sano ee la soo dhaafay, dakhliga dowladdu waxa uu ahaa mid kordhayay oo wax ku biirinaya miisaaniyadda dowladda, Laga soo bilaabo 2013-kii ilaa 2023-dii, sida ay dowladdu sheegtay.


 

Hase yeeshee sagaalkaas sano waxaa jiray labo sano oo kamid ah isla markaana uu hoos u dhac dhaqaale jiray.


 

Marka hore, sanadka 2016-kii, wuxuu hoos u dhacay (1.4%) doorashooyinka awgood.


 

Sannadkii labaadna wuxuu ahaa 2020-kii wuxuu hoos u dhacay (8%) doorashada iyo Coronavirus awgood.

     
Loading...