Saraakiil Sar Sare Oo Turkiya Oo Muqdisho Xalay Casho Sharaf Loogu Sameeyay.

Wednesday April 24, 2024 - 15:51:09
Hadhwanaag
"Ra'isul Wasaare Xamse ayaa ku sheegay tagista markabka dagaal ..."


Saraakiisha iyo ciidamada la socda markabka dagaal ee shalay ku xidhay dekadda Muqdisho ayaa xalay ku hoyday halkaas, waxana qaar kamid ah casho sharaf loogu sameeyay hudheelka Dikaale.


Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada ayaa si maamuus leh u qaabilay saraakiisha markabka la socota iyo xubno ka tirsan safaaradda Turkiga ee Muqdisho oo ka qaybgalay casho sharafta.


Ra’isul Wasaare Xamse ayaa ku sheegay tagista markabka dagaal ee Turkiga ee Muqdisho dhacdo taariikhi ah oo xoojinaysa xiriirka labada wadan.


Madaxda Dawladda ayaa ku tilmaamay tagista markabkan ee Muqdisho mid qayb ka ah heshiis kii dhawaan labada wadan gaareen.


BBC
     
Loading...