Muxuu Yahay Qorshaha Xasan Sheekh ee Uu Taageeray Faysal?

Wednesday March 27, 2024 - 13:34:17
hadhwanaag
"In Aqlabiyaddu xukunto dadka laga tirada badan yahay(Daarood)"


Hargaysa (HWN) Gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa taageeray wax ka badelka distoorka Somalliya ee ay wada xukuumada Somaliya.


"Waxa aan ku taageerayaa Xasan Sh Maxamuud qorshihiisa ah; Dib-u-eegista Dastuurka. Waa markii ugu horeysay ee siyaasiyiinta Hawiye fahmaan "In Aqlabiyaddu xukunto dadka laga tirada badan yahay(Daarood)", iyo in dadka guuleystaa qaabeeyaan Siyaasadda lagu hago dadka iyo dalka.” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.


Wax ka badelka dastuurka Somaliya ayaa waxa ka horyimid qaar kamid ah madaxwaynayaashii hore ee Somaliya, waxaana hada ugu adag mucaaradka ka soo horjeeda wax kabadelka dastuurka Somaliya maamul goboleedka Puntland oo isagu meel adag iska taagay.

     
Loading...