Muxuu Yahay Qorshaha Muuse Biixi Joojiyay Ee Maayar Mooge Waday?

Sunday April 28, 2024 - 15:28:24
Hadhwanaag
"waxaana xusid mudan mudaharaad halkaasi ka dhacay in lagu xidhay saddex"

 
Hargaysa (HWN) Muuse Biixi ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo dhismaha degmada 26 juun oo ay dawlada hoose u qorshaysay in ay ka dhisto suuqa Xisbiga sida uu sheegay wasiirka Hawlada guud ee Somaliland.


Todobaadkan ayay ahayd markii dawlada Hoose ee Hargaysa ay ka rartay dadkii halkaasi ku ganacsanayay iyada oo sheegtay in laga dhisayo dhisme ay ku shaqayso dawlada Hoose ee degmada 26 Juun oo haatan ku jirta gudri kiro ah.


waxaana xusid mudan mudaharaad halkaasi ka dhacay in lagu xidhay saddex xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka degmada Hargaysa.

     
Loading...