'' Kaftanka caawa , Daarood wax na ma samaysto ,wax la samaystayna ma ogolaaddo ''. Xildhibaan Guruuje

Tuesday March 26, 2024 - 11:36:34
hadhwanaagnews
Daarood Boqortooyadaa Hawiye ee isku qoofalan ma ogola...


Hawiye wuxuu doonayaa in uu Boqortooyo samaysto maxaa wacay wuxuu mar horre is tusey in uu Madaxwayne ,Caasimad iyo awood buuxda isla helo , Magaca Soomaalidana isagu ku shaqaysto , sidaas markay tahay warkiisu wuu cad yahay .


Daarood Boqortooyadaa Hawiye ee isku qoofalan ma ogola oo waakaas ka qaylinaya , Dawladda Somaliland ee gaarkeeda u taagana ma ogola , wax u gaara in uu samaystana ma ogola .


Idoor Hawiye iyo Boqortooyadiisa ma diidana ama ha u hirgasho ama ha u hirgeli waydee , hadii Daarood wax samaysanayana waxba uma diidana , sidaas markay tahay Daarood waxna ma samaysto wax la samaystana ma ogolaaddo . Ramadaan wanaagsan ,saaxiibayaal .

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...