Meel kasta oo Dastuur lagaga doodayo marka la soo bandhigo waxaad ku arkaysaa dad comant.

Sunday March 24, 2024 - 10:15:35
Hadhwanaagtv
Kitaabka isagaa dadka u diray in ay noloshooda...


Meel kasta oo Dastuur lagaga doodayo marka la soo bandhigo waxaad ku arkaysaa dad comant gareynaya oo maxaa dastuur looga baahan yahay maa kitaabka Dastuur laga dhigto.

Dadkaasu isma weydiiyaan miyaa in Kitaabka laftiisa uu dadka u diray in ay Taladoodu noqoto mid ay ka tashadeen,oo uu Heshiiskoodu noqdo mid wanaagsan oon diinta ka hor imaaneynin?!

Kitaabka isagaa dadka u diray in ay noloshooda sharci kala haga u samaystaan,in dad islaam ah wax ku heshiiyaan oo waxa ay ku heshiiyeena aysan diinta khilaafin Alle iyo Rasuulkiisa ayaa dadka u diray.
Ilaahay wuxuu yiri:-

‎وَأَمْرُهُمْ شُورَىٰ بَيْنَهُمْ
"Taladooda waa mid ay ka tashadeen”.
Rasuulka scw wuxuu yiri:-

‎"الصُّلْحٌ جائزٌ بَيْنَ المُسلِمينَ، إلَّا صُلْحًا حرَّم حلالًا، أو أحَلَّ حرامًا.
الراوي : عمرو بن عوف المزني | المحدث : الألباني | المصدر : التعليقات الرضية | الصفحة أو الرقم : 177/3 | خلاصة حكم المحدث : حسن لشواهده | التخريج : أخرجه الترمذي (1352) مطولاً، وابن ماجه (2353) واللفظ له.

"Heshiisku waa mid u furan oo banaan Muslimiinta illaa in uu yahay mooyee Heshiis wax xaaraan diinta ku ah Xalilaya ama wax xalaal diinta ku ah xarimaya mooyee”
Wuxuu kaloo Rasuulka scw yiri:-

.. وقال صلى الله عليه وسلم: المسلمون عند شروطهم. رواه الحاكم وأبو داود

"Muslimiinta waxay leeyihiin oo u banaan Shuruuradaha iyo Qodobada ay ku heshiiyaan”.
Dadku isku duruuf maaha isku waqtina ma noola,wixii tafaasiil ah ee noloshooda ku saabsan in ay ka tashadaan oo xeerar diinta waafaqsan ka leeyihiin waa loo ogol yahay.
Ilaahay dadka wuxuu faray in wixii ay ku ballameen ee ay Maslaxo ay Heshiis ku yihiin u arkaan in ay Ilaaliyaan oo xaq dhowraan.


"يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا أَوْفُوا بِالْعُقُودِ ۚ "
"Kuwa Iimaanka laga helayow Ballamaha iyo Heshiisyada aad Dhexdiina gunudaan Oofiya oo Ilaaliya”.
Kaliya wax Ilaahay xarimayna ma xalili karaan,wax Ilaahay xalilayna ma xarimi karaan.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...