Internet-ka Dalalka Galbeedka Afrika Oo Cilad Ku Timid

Friday March 15, 2024 - 08:30:33
hadhwanaag
"Internet-ka Koonfur Afrika ayaa sidoo kale gaabis noqoday"


Internet-ka wadamada galbeedka iyo bartamaha Afrika ayey dhibaato ku timid iyadoo dalka Ivory Coast noqoday kan sida weyn ay u saameysay.


Shirkada ku shaqadaha leh xarkaha badda hoos mara ee isku xira internet-ka gobolka ayaa sheegtay in ay cilado badan ku timid. Waxa keenay cilada internetka ayaa la ogeyn ila hadda sid ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters.


Ururka NetBlocks waxay sheegeen in internetka Ivory coast uu 4 boqolkiiba heerkii laga filyayay uu ka shaqeynayo.


Wadamada Liberia, Benin, Ghana iyo Burkina Faso ayaa la sheegayaa in internet-kooda ay ku timid cilad weyn.


Internet-ka Koonfur Afrika ayaa sidoo kale gaabis noqoday. Afhayeen u hadlay shirkadda isgaarsiinta Vodacom ayaa sheegay in ay cilad ku timid dhowr xarko oo isku xira Yurub iyo Koonfur Afrika.
     
Loading...