"Shaqadeenu Waa In Aynu Meel Kasta Gayno Qadiyada Somaliland" Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland.

Thursday March 14, 2024 - 10:22:44
hadhwanaag
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inuu aad ugu faraxsan...


Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd ayaa sheegay in muwaadin kasta ay shaqadiisa tahay inuu kaalintiisa qaato, isla markaana uu qadiyada dalka meel kasta geeyo.


 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland Dr. Ciise Kayd oo safar shaqo ku tegay dalka Faransiiska ayaa bulshada reer Somaliland ee ku nool dalkaas u soo jeediyay inay ka qayb qaataan hirgelinta qadiyada Somaliland iyo sidii dalkani uu ku heli lahaa aqoonsiga uu xaqa u leeyahay.


 

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu la kulmo Jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Faransiiska oo uu sheegay inay shaqo wayn ku hawlan yihiin iyo sidii qadiyada Somaliland meel fog loo gaadhsiin lahaa.


 

Wasiir Ciise Kayd ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in meel kasta oo aduunyada ka mid ah la gaadhsiiyo qadiyada Somaliland haddii ay tahay Yurub iyo Haddii ay tahayMaraykanka inta uu dalkani ka helayo Ictiraafka uu inta badan halganka ugu jiray waxaanu yidhi

     
Loading...