Muxuu Yahay Warka Somaliya Ku Saabsan Ee Shirkada Diyaaradaha Itoobiya Beenisay?

Saturday March 02, 2024 - 07:37:26
hadhwanaag
"War qoraal ah oo ka soo baxay shirkadda oo ay soo dhigtay barteeda Facebook..."



Shirkadda Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa beenisay wararka sheegaya in ay baddasheen khadka hawada Soomaaliya ee ay isticmaalaan, sababo la xiriira dhacdooyinkii dhowaan ee hawada Somaaliya.


Shirkadda ayaa sidoo kale sheegtay in diyaaradda Ethiopian Airlines aysan joojin duullimaadyada hawada Soomaaliya.


War qoraal ah oo ka soo baxay shirkadda oo ay soo dhigtay barteeda Facebook ayaa sidoo kale lagu sheegay in shirkaddu aysan ka caban badqabka hawada Soomaaliya.


Dhanka kale, mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya oo BBC lasoo xiriiray ayaa sidoo kale sheegay inuusan jirin warka ah in shirkaddu joojisay qaar ka mid ah duullimaadyadii mari jiray hawada Soomaaliya, isla markaana aysan dowladdu wax xiriir ah oo arrintan ku saabsan ka helin shirkadda.


Waxaa jirtay warqad la isla dhex marayay baraha bulshada oo lagu sheegay inay kasoo baxday xafiiska shirkadda Ethiopian Airlines, taasoo lagu xusay in shirkaddu joojisay duullimaadyadii dalalka Aasiya ee sii mari jiray hawada Soomaaliya. Shirkadda ayaa beenisay warqaddaas kuna tilmaantay mid been bauur ah.


BBC
     
Loading...