"Buuga Mayal Wuxu Ahaa Dhoola-tus Dulmi-diid" Xisbiga Waddani.

Sunday February 04, 2024 - 10:10:00
hadhwanaag
"nin kasta oo isku daya in sifo aan sharci ahayn uu ummad ku xukumo ..."





Hargaysa (HWN) Xoghayaha Cadaaladda xisbiga waddani Yonis ahmed Yonis ayaa sheegay in munaasibadii loogu wan qalay Buuga Mayal oo dhawaan lagu soo bandhigay Hargaysa ay ahayd dhoolo-tus dulmi diid, sida uu Xoghayuhu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay.



Buuga mayal wuxu ahaa dhoola-tus dulmi-diid  oo loogu quus-gaynayo kuwa dulmiga dadka ku xidha.


Buuga mayal waa codkii ama caroogii umadda reer Somaliland waxa uu u hadlaya  dan-yarta dulman ee aanu codkoodu meel  dheer gaadhin waxa uu ka turjumayaa xorriyada hadalka waxa uu ka soo hor-jeedaa wax kasta oo dulmi ah ama xadhig sharci daro ah waxa  kale oo aynu buuga mayal uu macallin inoogu  noqday oo aynu ka baran karnaa in aanu xaqu  duugoobin haddii qof la xidho iyo haddii buug  la xidho.

 
waxa kale oo aynu ka baran karnaa  buuga mayal in nin kasta oo isku daya in si khasab ah uu ummad ku xukumo aanay u suuroobayn iyo  inta ilaahay ka sokaysa awooda ugu wayn ay leeyihiin dad-waynuhu


nin kasta oo isku daya in sifo aan sharci ahayn  uu ummad ku xukumo uu jiidhi doono  tareenka  is-badal doonku

Mahadsanid abwaan Cabdiraxmaan Abees

Xoghayaha Cadaaladda xisbiga waddani Yonis ahmed Yonis
     
Loading...