Dameer Dameer dhalay ahaw . (Cali Biixi)

Saturday February 03, 2024 - 18:18:44
hadhwanaagnews
Dameer Dameer dhalay oo xalaal ah oo caqliga Dameeraha ku fekerto.


 

Meel Dameeraha lagu xareeyo oo kuwa yaryari ay ku nool yihiin , ayaa maalin maalmaha ka mid ah .

Dameer yar ayaa cunta joojin sameeyay .


 

Dameerkii yaraa ,ayaa dhuubtay oo xaaladiisu iyo caafimaadkiisu aad u xumaadeen oo xaaladiisa nafsiga ahi aad u xumaatay.

Oo 2-dii dhegood hoos u dhaceen , oo taagnaan karayn.

 

Maalintii danbe ayaa Aabihii Dameerka ahaa u yimi oo waydiiyay Dameerkii yaraa ee uu dhalay :

*Aabbo maxaa ku helay ee aad wax u cuni wayday , wax kasta oo fiican iyo caws kasta oo fiican , waan kuu keenay?

Ee maxaa ku helay , ee naftaada dhibay .

Ii sheeg Aabbo?

*Ma cidbaa ku maagtay? *Ma cidbaa wax kugu samaysay?

 

*Haa Aabbo oo dad baan ka amaan waayay (bashar ah) .

*Inta uu Aabihii Dameerka ahaa ayuu yidhi :

*Oo maxaa basharku (dadku) kugu sameeyeen?

 

*dadku way na caayaan, oo way na dhaliilaan , oo way na xaqiraan , oo way na yasaan.

* Aabihii Dameerka ahaa ayaa waydiiyay: *siday ku dhacdaa arintaasu?

 

Dameerkii yaraa , ayaa yidhi : *miyaanad arkayn waxa ay isku caayaan ( waar Dameer yahaw) iyo markasta oo qof qalad sameeyo ( waar ma Dameer ayaad tahay) ,

*Ma sidaas ayaynu nahay doqmada ah?

*Sidaas ma nihin.

*Waxaynu u shaqeynaa

Si daacad ah oo aynaan nasanin , oo wax kasta waynu fahanaa , oo dareen ayaynu leenahay wanaagsan,

 

*Aabihii Dameerka weyn ahaa , ayaa yaabay oo wax uu ugu jawaabo garan waayay kiisii yaraa oo xaaladiisu sidan u xuntahay.

*Kadibna inta uu 2-diisii dhegood dhaq dhaqaajiyay midig iyo bidix ayuu ku yidhi , isaga oo garaadkii iyo caqligii Dameeraha oo sida ay wax u fahmaan ula hadlaaya .

Waxa uu ku yidhi:

*bal dhegeyso oo maqal hadalkayga oo miisaan: (Basharka) dadka ilaahay baa abuuray oo ka doortay waxa dunida ku nool oo dhan oo mas'uuliyad ka saaray.

*Laakiin iyaga ayaa wax badan is-yeelay oo xumaan badan sameeyay,

Inta aanay Inaga (Dameeraha)soo gaadin .

* miyaad aragtay Dameer xadaaya Dameer kale cuntadiisa?

* miyaad aragtay Dameer dilaaya Dameer kale oo ka itaal yar?

* miyaad aragtay Dameer qabyaaladaynaaya Dameer kale, oo yidhaahda ( isku qolo ma nihin)?

* miyaad aragtay Dameer leh Dameerkaasu inala qolo maaha ?

* miyaad aragtay Dameero shiraaya oo u shiraaya in ay qaar kale ku duulaan oo laayaan oo soo boobaan ?

Oo guryahooda iyo dumarkooda iyo caruurtooda ka soo laayaan?

* miyaad aragtay Dameer reer hebel oo qorsheynaaya in ay ku duulaan Dameeraha reer hebel oo raashin ka soo dhacaan?

* miyaad aragtay Dameera basaasaaya Dameeraha kale oo cid kale u basaasaaya?

* miyaad aragtay Dameer u shaqeeya dal kale, oo aan ahayn dalka uu ku nool yahay?

* miyaad aragtay Dameer u kala qeybinaaya Dameeraha , kaasu waa xisbigaa ama kooxdaas ?

 

Hadaba weligaa kumaad maqal kumanaad arag ,

wax yaabahan dadku sameeyaan ee isku sameeyaan , caalamka iyo nolosa Dameeraha .

 

laakiin hadaba ma garanayaan dadku waxa ilaahay uu uga dhigay dunida Khaliifa oo uu mas'uulka uga dhigay xikmada ku jirta?

 

*Sidaa awgeed Aabbo

Waxaan doonayaa in aad caqligaaga fiican ee caafimaadka qaba ,

Aad ku fekerto oo isticmaasho. caqligaaga Dameer nimo oo aad aniga iyo hooyadaa aad maqasho oo aad ahaato :

Dameer Dameer dhalay oo xalaal ah oo caqliga Dameeraha ku fekerto.

 

 

Cali Biixi

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...