DAMEERKU MA DAMQADO ILEENO,DUSHIISA WAXA SAARAN IYO,HADDUU DAHAB SIDOAHIIN MA OGA.

Thursday August 28, 2025 - 14:56:41
hadhwanaagnews
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayasha.



Bismillahalraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayasha.

 

1-Damanaantuun Baan Wacnayne,

Dulqaad Wuu Wanaagsan Yahay,

Diinteenuna Waxay Tidhi Sidaas.

 

2-Dunideenano Wada Nabad Aho,

Dadkeeduna Walaal Ku Yahay,

Damiir Ruux Leh Baan Nacayn.

 

3-Inagu Maynaan Dooranine,

Deriskeena Alla Ka Dhigay,

Dantuunba Ina Tidhi Sidani.

 

4-Dushiisa Biyo Kama Hagrado,

Haraad Qof Dareemayaayeh,

Dadaalkeenun Hore U Wada.

 

5-Daayinkeena La Kaashadoo,

Daldalool Gudaheenan Iyo,

Doolraaca Inaga Hubsada.

Ismail Abdillahi Handuleh


     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...