Sidee Markii Ugu Horreysay Lagu Ogaaday Waxtarka Kaniiniga Viagra?

Sunday December 17, 2023 - 15:24:46
hadhwanaag
"Bukaanno qaba awoodda yarida gogasha ayaa mar kale daawada lagu tijaabiyay"



Pele wuxuu ahaa xiddig caan ah oo adduunka oo dhan laga yaqaannay, laakiin qaar badan oo ka mid ah dadweynaha waxaa laga yaabaa in ay ku barteen in uu ahaa qofkii ugu horreeyay u ololeeya isticmaalka kaniiniga Viagra.

 

Kaniiniga awood-darrada ragga loo isticmaalo ee Viagra ayaa laga yaab in aad maqasheen, hadii aysan jiri lahayn magaalada warshadaha leh ee Merthyr Tydfil, oo ku taalla koonfurta Wales ee dlaka Ingiriiska oo ah halkii uu kasoo billowday.

 

Kooxo niman ah oo ka mid ahaa ragga magalaada Merthyr Tydfil, oo ay ku jiraan shaqaale horey uga shaqeeyn jiray biraha warshadaha oo ay soo food saartay xaalad dhaqaale yari ayaa tagay xarun cilmi baaris oo maxalli ah si loogu tijaabiyo daawo loogu talagalay nooc ka mid ah doofaarka.

 

Wax badan kama aysan ogeyn in tijaabadii ay kula heshiiyeen xarunta ay qayb weyn ka qaadatay isbeddel weyn oo adduunka oo dhan ah.

 

Sababtoo ah ilaa 30 sano ka dib ayay ahayd markii qaar ka mid ah ay ogaadeen in tijaabadii lagu sameeyay ay caawisay malaayiin rag ah oo qaba awood-darada ragganimada ee gogasha.

 

Bilawgii sagaashamaadkii, shirkadda dawooyinka ee Pfizer waxa ay tijaabinaysay in kaniiniga Viagra lagu daweeyo dhiig karka iyo wadno xanuunka.

 

Waxay qandaraas ku qaadatay daraasado caafimaad waxayna qortay rag dhalinyaro ah oo deegaanka ah si ay u tijaabiyaan.

 

Idiris Price waxa uu ka mid ahaa raggii isku qoray inay tijaabiyaan dawadan cusub sannadkii 1992-kii.

 

Wakhtigaas waxaa uu ka shaqeeynayay biraha balse waa laga joojiyay waxaa uu shaqaale u noqday shirkadda tijaabinaysay daawooyinka.

 

Waxa uu sheegay in kooxdii daraasadda sameynaysay uu waydiiyay lacagta la siin karo oo kali ah, waxaana uu yir "Waxba naloogama sheegin dawada marka laga reebo in dhakhtarku nagu yir kaniiniga waxaa loogu talagalay wadno xanuunka waxaana laga yaabaa in ay leedahay waxyeello.

 

"In badan oo ka mid ah dhalinayarada lagu tijaabaiyay ayaa ka welwelsanaa waxa dhici doona." Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

 

Kooxo ragg dhalinyaro ah ayaa lacag lagu siiyay in ay qaataan kaniiniga Viagra saddex jeer maalintii muddo 10 maalmood oo xiriir ah.

 

"Dhammaadkii 1980-meeyadii iyo horraantii 90-meeyadii, waxaa ay noo ahayd waqtiyo aad u adag, wuxuuna qof walba isku dayay in uu lacag helo meel kasta oo aad ka heli karto," ayuu Idris u sheegay BBC-da.

 

Waxaa uu sheegay in lacagtii ay ka heleen tijabadasi ay aad muhiim ugu ahyed qoyskiisa maaddaama aanu waxba haysan xilligaasi.

 

Laakiin markii ay tijaabadu dhammaatay, waxyeellooyin aan la filayn oo ka yimid daawada ayaa caddeeyey wax badan oo qarsoon oo kaniiniga ku saleysan

 

Sidee lagu ogaaday waxtarka kaniiniga Viagra?

 

"Billowgii tijaabada ka dib in kasta oo dhalinayaradii lagu tijaabiyay ay xishoonayeen haddana waxaa ay sheegeen in awooddooda ay korortay” yiri Dr Pete Ellis, hormuudkii hore ee Pfzier.

 

Halkaasi waxaa kasoo baxday argti kale oo shirkadda u sahashay in ay billoowdo daraasadda arintaasi lagu baarayo.

 

Bukaanno qaba awoodda yarida gogasha ayaa mar kale daawada lagu tijaabiyay Isbitaalka Southmead ee Bristol 1994.

 

Rugta caafimaadka ee Morriston ee Swansea ayaa ahayd halka ugu badan ee ay ku jireen ragga qaba xanuunka macaanka iyo wadne xanuunka, halkaas oo waxyeelada ay keeno ay ka mid ah awoodda yarida xagga galmada oo yarta.

 

Madaxa tijaabada shirkada daraasadda ayaa sheegay in ragga badan oo uu aad u hoseeyay dareenkooda oo dhammaan guursaday markii ay cuneen uu awoodda sare u qaaday.

 

Adeegga Caafimaadka Qaranka Ingiriiska aya sheegay awood la'aanta gogasha ay tahay mid "aad ugu badan dalka, gaar ahaan ragga 40 ka weyn" iyada cilmi-baarisyada qaarkood ay qiyaasaan inay saameyn ku yeelan karto kala bar dhammaan ragga da'doodu u dhaxayso 40 iyo 70 - in ka badan afar milyan oo rag ah oo ku nool UK.

 

Daraasado kale ayaa soo jeedinaya in 2025, 322 milyan oo rag ah oo adduunka oo dhan ah ay saameyn karto cillad la'aanta Awodda yarida,waana in ka badan labanlaab qiyaastii 1995-kii xilligaas oo ay ahyed 152 milyan.

BBC

     
Loading...