Muxuu Yahay Hadalka Ka Soo Yeedhay Garaadada Ee Uu Soo Dhaweeyay Ex. Wasiir Seed?

Friday December 15, 2023 - 09:03:41
hadhwanaag
"waxa aan ugu baaqayaa xukuumada inay faraha kala baxdo hurinta colaada sokeeye"



Hargaysa (HWN) Ex. Wasiir Axmed Muumin Seed ayaa taageeray Baaqa nabada ee ka so yeedhay Suldaan Maxamuud Guuleed Mire oo kamid ah salaadiinta Beesha Habarjeclo.

 

Sidoo kale Seed ayaa Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin ugu baaqay inay joojiyaan hurinta Colaada, sida uu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay.

 

Gar Buu Maanta Leeyahay Suldaanku

"Gari Allay Taqaanaaye” hadalka "Nabada” khuseeya ee ka soo yeedhay Suldaan Maxamuud Guuleed Mire waa hadal ka turjumaya miisaanka iyo miqaamka xilka uu bulshada u hayo ee "Suldaanimo”. Suldaanimo waa nabad-doon-nimo, waa xilgudasho, sharaf iyo cibaado suuban in aad nabadda ku baaqdo, kana shaqayso helitaankeeda marwalba iyo markan oo kale oo ah xili ay colaada, aanada-qabiilka, iyo arimaha "Iblaysku” bulshada aafeeyeen. Sida uu yeelay Suldaan Maxamuud na waa sidii loo baahnaa, laga filayay, garna uu u lahaa ee waan ku hambalyaynayaa, waanan soo dhawaynayaa baaqaas.

 

Sidoo kale waxa aan iyagana hambalyaynayaa Garaadada reer Sool ee Nabada uu ku baaqay Suldaan Maxamuud soo dhaweeyay, waxaanan leeyahay maanta nabada in laga shaqeeyo ayaan u baahanahay, in dhiiga wiilasheena ee daadanaya la baajiyo ayaan u baahanahay, in bulshada siyaasada lagu kala fogeeyay la xasuusiyo riximkii wanaagsanaa iyo waxa soke ee la isku yahay ayaan u baahanahay ee taas ka shaqeeya.

 

Dhinaca kale waxa magac-xumo, xusmad-daro iyo karaama-dhac is huwan ah in madaxda xisbiga Kulmiye ee talada dalka haysa ee ay hogaaminayaan madaxwayne Biixi iyo saaxiibkii Ina Kaahin oo ah rag u soo joogay dagaaladii sokeeya, dhadhan durugsan iyo aqoon wayna u leh "Colaadi waxay gudo iyo waxay gaydo-ba”  in ay hadana maanta noqdaan kuwo ka damqan la’ colaada sokeeye ee dhexdeena ka aloosan iyo sida ay bulshada u sii kala fogaynayso, iyo sida ay u sii lumayso rajadeenii ahayd in dalkeenu helo ictiraaf caalami ah oo horseeda jiritaanka dal la wada leeyahay iyo dawlad bulshada ugu adeegta si siman oo cadaalad ah.

 

Sidaas aawadeed, waxa aan ugu baaqayaa xukuumada inay faraha kala baxdo hurinta colaada sokeeye ee ay cimri-dhererka ka dayaso, kana shaqayso sidii bulshada loo walaalayn lahaa, amniga dalkana loo sugi lahaa iyada oo gacmaha la is wada haysto.

"Nabad baa Naas la Nuugo leh”

Axmed Muumin Seed

     
Loading...