Wasiir Shaqada Looga Eryay Loona Xidhay Qoraal Uu Facebook Soo Dhigay

Wednesday December 13, 2023 - 07:31:28
hadhwanaag
"Dibad-baxa ayaa lagu waday in la qabto maalinta Axadda"



Wasiiru dowlaha Nabadda ee Itoobiya, Taye Dendea, ayaa shaqada laga eryay oo la xiray, maalmo ka dib markii uu ku dhaleeceeyay mas'uuliyiinta mamnuucidda isu soo bax ka dhan ah dagaalka.

 

Dibad-baxa ayaa lagu waday in la qabto maalinta Axadda, si loogu diro baaqyo nabadeed gobollada Axmaarada iyo Oromiya. Balse dib ayaa loo dhigay ka dib markii ku dhowaad boqol qof la xiray.

 

Wareysi uu siiyay BBC-da ayuu Taye ku dhaleeceeyay ra'iisul wasaare Abiy Axmed, isagoo sheegay in uusan u damqan dadka Itoobiya ee ay saameeyeen colaadaha iyo faqriga.

 

War ka soo baxay dowladda ayaa lagu eedeeyay wasiirkii hore in uu la shaqeynayay waxa ay ugu yeertay nabad-diidka. Waxa ay sidoo kale ku eedeysay inuu ku lug lahaa falal argagixisannimo iyo afduub.

 

BBC

     
Loading...