Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud ayaa shalay kulan kula qaatay magaalada Hargeysa masuuliyiinta safaaradaha caalamka ee fadhigoodu yahay caasimadda Somaliland.
Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd ka go’naanqadashada dawladda ee qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah. Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamaiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dr Ciise Kayd Maxamuud waxa uu diblomaasiyiinta uga warramay colaadaha laga hurinayo deegaannada Qorilugud iyo Buuhoodle ee ay taageerayaan maamulka Muqdisho iyo kooxda argagixisada ah ee Alshabaab ee ka hawl gala meelo ka mid ah deegaannada Buuhoodle.