Madaxweynaha Soomaaliya
xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan magaalada New York ee Maraykanka, halkaas
oo uu kaga qayb galayo shirka amniga Soomaaliya oo ay Qaramada Midoobey
qabatay.
Madaxweyne Xasan oo
khudbad jeediyay ayaa uga mahad celiyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey
sida ay Soomaaliya u aamineen ugana qaadeen cunaqabateyntii hubka, wuxuuna
sheegay inay taas awgeed hadda si fiican u qalabayn karaan ciidankooda.
"Waxaan laamaha
ammaanka u diyaarinnay qorshe dib u habayn iyo yoolal lixda sano ee soo socota”
ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha Soomaaliya
oo ku celceliyey in dawladdiisu diyaarisay qorshe cad oo lagu cidhib tirayo
al-Shabaab ayaa beesha caalamka ka codsaday waxa uu ku tilmaamay "awoodda loo
baahan yahay” si loo fuliyo qorshahan.
Golaha ammaanka ee
Qaramada Midoobey ayaa Soomaaliya bishan ka qaaday cunaqabatayn saarnayd 31
sano taas oo marar badan la cusboonaysiiyey, waxayna dawladdu hadda isku
dayeysaa inay qalab ahaan iyo dhanka xirfaddaba ka dhisto ciidanka.