Suldaanka Guud Ee Habar Awal Oo Ka Hadlay Shirkii H/jeclo Ku Qabsatay Burco.

Friday December 01, 2023 - 10:33:29
hadhwanaag
"waxaanu diyaar u nahay difaaca Jamhuuriyada Somaliland."

 


 

Hargaysa (HWN) Suldaanka Guud Ee Beesha Habar- Awal Suldaan Xasan ayaa sheegay in beeshiisu taageersantahay shirkii Talowadaag ee beesha Habarjeclo todobaadkan ugu dhamaaday Burco.

 

"Habarjeclo iyo Habarawal waa hilbo wada dhashay, tageero iskuma laha ee waajib ayay isku leeyihiin, naf iyo maalba inay isu huraan ah, waan taageraynaa shirka Talowadaag, Subeer Awalna Waa ku waajib wixii la gudboon inay yeelan, waxaanu diyaar u nahay difaaca Jamhuuriyada Somaliland.

 

Waxaan leeyahay Reer Sheex Isxaaq waa ul iyo diirkeed ninka u kala abtirnaaya ka daaya ayaanu leenahay.”  Suldaanka Guud Ee Beesha Habar- Awal Suldaan Xasan.

     
Loading...