Bankiga Afrika Oo Sheegay In Labo Kamid Shaqaalahooda Lagu Xiray Itoobiya

Friday November 17, 2023 - 06:52:08
hadhwanaag
"Bangigu waa mid ka mid ah saaxiibada dhaqaale ee muhiimka ah ee Itoobiya,"



Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) ayaa ku eedeeyay ciidamada ammaanka ee Itoobiya inay "si sharci darro ah u xireen" oo ay "weerareen" laba ka mid ah shaqaalahooda.

 

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay bangiga oo la sii daayay Khamiistii, dhacdadan ayaa laba toddobaad ka hor ka dhacday caasimadda Addis Ababa.

 

Shaqaalahan oo aan la magacaabin ayaa la xiray saacado badan – iyadoo aan la ogeyn sabab rasmi ah – ilaa, markii uu ogaaday in la xiray, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu soo dhexgalay oo amray in si degdeg ah loo sii daayo, ayaa lagu yiri bayaanka bangiga.

 

AfDB ayaa dhacdada ku tilmaantay "dhacdo dublamaasiyadeed oo aad halis u ah," isaga oo intaa ku daray in ay cabasho rasmi ah u gudbisay maamulka.

 

Bangigu waa mid ka mid ah saaxiibada dhaqaale ee muhiimka ah ee Itoobiya, waxaana madaxiisa, Akinwumi Adesina, uu xiriir diirran la leeyahay Ra’iisul Wasaare Abiy.

 

 

     
Loading...