Suuqyada Boorame, Burco iyo Berbera ayaan u Baqayaa!.

Saturday October 07, 2023 - 10:49:15
hadhwanaagtv
Iminka Suuqyadii Waaheen iyo Wajaale wixii gaadhay


Waxa ay ahayd01-04-2022 markii uu Dabku qabsaday Suuq weynihii Waaheen ee Magaalada Hargeysa, waxa ku shuf-beelay dabkaa ganacsiyo tiro badan waxaayna waxyeelo ba'ani kasoo gaadhay mulkilayaal ganacsi iyo kuwo Mood iyo Hantiilayaal ahaa, waxa lagu qiyaasay in Balaayiin Doolar uu noqday khasaaraha ka dhashay dabkaa.


 

Musiibadaa ku Habsatay Ganacsatadii Suuqa Waaheen waxa Suunka Dhiilka iskaga dhigay oo waxtar iyo taakulo ugu guntaday ugu Horeen Ummada Walaalaha ah ee Hooyolayda ah ee Dhulkii Hooyo iyo daafaha dunida kala jooga, marka taa xigtana Dadka Muslimiinta ah ee iyana Afka Hooyo ku hadla iyo Dadka Aadamaha ah ee wax Tara ciddii Tabaalaysan, waxa soo gaadhay Gudidii Xukuumada Jamhuuriyada Barakaysani Magacawday lacag xadi badan oo loogu yaboohay dadkii ku Tabaaloobay dabkaa, waxa se wax lala yaabo ah in aan Xukuumada Jamhuuriyada Barakaysani weli meel ku tiirin wixii sababay dabkaa iyo sida uu u bilaabmay iyo xaga uu ka bilaabmay!.


 

Waxa se markale Dhacday in Magaalo ganacsigii Tog Wajaale suuqii ku yaalay uu badhtamihii bishii 9aad 2023 uu dab qabsaday, dabkaa oo ay ku shuf beeleen ganacsi iyo Hanti tiro badan, dabkaas oo danbas ka dhigay Obacdii suugii Wajaale.


 

Sidii caadada u ahayd xukuumada Jamhuuriyada Barakaysan, inta ay Digo-xaadh u qaadatay ayey judhiiba xaadhay iyaga oo wax baadhitaan ah ku samayn ama isku hawlinba ogaanshaha sababta dabka Dhalisay, sidii ay Horaba aanay baadhitaan ugu samayn suuqii Waaheen, Halka wasiirka ganacsiga iyo Masuuliyiin kale ay isku raaceen in uu ahaa masiibo dhacday!, Waa siday hadalka u wada mariyeen!, oo Musiibada suugyada Ma Danab iyo olol Hillaac Roobeed ayaa qabsaday?, Timir lafbaa ku jirta!, soo maaha?, iyada oo suuqii Wajaale wixii sababay meel lagu tiirin ayaa gudiyo lacagaha qaadhaanka ah ee lagu yaboohi doona Maaraysa ayey Xukuumadu magacawday!, inta ay Xukuumadu Ganacsatadii Dalka dul gaysay Danbaskii ay Xaadhay oo ay teendho uga qotomisay goobtii ayey ku tudhi Keen Keena! Iyo Ganacsatadii Jeebka gacmaha geliyaa iyo Xaaji Hebelow imisaanu kugu qornaa?!.


 

Hadal iyo Dhamaan Marka masiibo dhacdo waxa labaadhaa siday wax u dhaceen si looga Gaashaanto si Masiibadaa mid lamid ahi Dib wax u saameen oo cashar ayaa laga Bartaa, waxa se Nasiibdaro ah in Xukuumadii masiibooyinka shacabkeeda ku habsada ayka dhigatay xeelad ayku qadhaabsato waayo wixii Suuqii Waaheen gubay ayey inta ay baadho shacabka u sheegi lahayd oo maanta suugaa Wajaale foojignaan ayuu ka heli lahaa iyo kahortag masiibo, waxa se cad in Xukuumadu Dhibka Shacabkeeda qabsada ay iyaga Dheefi ugu jirto, waana wax laga murugoodo Damiir xumada Dowladeena iyo Dadka aynu talo saaranay, Shinbirta Fiinta layidhaahdo ayaa laga hayaa Roobka I haya ka ooyi maayee ka iigusoo Socdaan ka ooyayaa!,


 

Iminka Suuqyadii Waaheen iyo Wajaale wixii gaadhay weli kamasii murugaysni waayo Dadkii lahaa oo eegaya ayaa Dab laqabadsiiyey oo lacag laga dhurtay oo ciddii gubtay laba Cali isweydiin, se Suug weynaha Gobanimo iyo Suuqyada Boorame, Burco iyo Berbera ayaan u Baqayaa oo aan usii Booyayaa! .


 

Marka Cudurka la gartaa

 

Dawadiisa la goobaa

 

Khadar Hooyoley (Fartaag)

 

[email protected]

 

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...