Muxuu Yahay Shirka Ay Ka Qayb Gelayaan Kenya & Uganda Ee Somaliland Ka Dhacaya?

Wednesday May 08, 2024 - 09:44:07
Hadhwanaag
"halkaas oo uu qabsoomi doono Kulankan muhiim ah oo ay ka qaybgelayaan weftiyo "



Weftiga uu hogaamiyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa gaadhay magaalo xuduudeedkaTog-wajaale, halkaas oo uu qabsoomi doono Kulankan muhiim ah oo ay ka qaybgelayaan weftiyo ka kala socda Jamhuuriyadda Somaliland, Dowladda Itoobiya, Kenya, Uganda iyo South Sudaan.

Weftiga Jamhuuriyadda Somaliland waxaa hogaaminaya Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, waxaana ka mid ah Wasiirka Horuumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Horuumarinta Biyaha Salebaan Yuusuf Cali, Wasiir Kuxigeenka Horuumarinta Gaadiid iyo Horuumarinta Jidadka Muuse Selef iyo Maamulka Gobolka Gebilay.

Xafiiska Warbaahinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.
     
Loading...