Maxay Tahay Haweeneyda Xabsiga Iiraan Ku Xidhan Ee Hadda Nobel Peace Prize Ku Guuleysatay?

Saturday October 07, 2023 - 09:13:09
hadhwanaag
"Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ugu baaqay dowladda Iran in ay sii deyso"



Narges Mohammadi oo u dhalatay dalka Iran oo u ololaysa xuquuqda aadanaha ayaa ku guulaysatay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize 2023.

 

Guddiga Nobel-ka Norway oo go’aankan ku dhawaaqay ayaa sheegay in Ms Mohammadi, oo 51-jir ah, lagu sharfay la-dagaalanka dulmiga lagu hayo haweenka Iran.

 

Halgankeeda waxa uu ku yimid "naf hurnimo aad u weyn", guddoomiyaha guddiga Berit Reiss-Andersen ayaa tiri.

 

Ms Mohammadi ayaa hadda 10 sano oo xarig ah ku qaadaneysa xabsiga caanka ah ee Evin ee ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Tehran.

 

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegtay in abaal-marintan ay tahay mid "eex ah” oo waafaqsan "faragelinta iyo siyaasadaha ka dhanka ah Iran ee dalalka Yurub qaarkood”.

 

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ugu baaqay dowladda Iran in ay sii deyso Ms Mohammadi isagoo ku amaanay geesinimadeeda, halka madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu sheegay in ay tahay "Dagaalyahan xornimo doon ah”.

 

BBC

     
Loading...