Wasaaradda waxbarashada
ee Puntland ayaa shaqada ka joojisay agaasime-waaxeedka tayo dhowrka iyo
manaahijta, Cabdulqaadir Yuusuf Nuux, sababo la xiriira buug iskuullada laga
dhigo oo la mamnuucay. Warqadda shaqo ka joojinta waxaa ku saxiixnaa
Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax oo ah wasiir ku xigeenka waxbarashada iyo tacliinta
sare ee Puntland.
Saacado ka hor
go’aankaas ayaa Golaha wasiirrada maamul goboleedka Puntland wuxuu joojiyey in
iskuullada loo isticmaalo buugga taariikhda ee dugsiyada sare kaasoo ay ku
dhaliileen in "khaladaad dastuuri ah” ay ku jiraan.
Shirka golaha waxaa
lagu go’aamiyey, sida lagu qoray barta Facebook ee madaxtooyada Puntland in aan
buuggaas wax laga baran, "lana soo xareeyo dhamaan kuwa sida khaldan u
daabacan”.
Waxaa kaloo qoraalka
lagu sheegay in la joojiyey heshiiska shirkadda daabacday, iyo in xeerilaalintu
baaritaan ku samayso "si sharciga loo horkeeno ciddii dambiga gashay”.
Qayb ka mid ah buugga
ayaa muujinaysa sawirka khariidadda maamul goboleedyada, ayadoo qaybo ay
Puntland tirsato ay hadda u muuqdaan in sawirku kala raaciyey Galmudug iyo
jamhuuriyadda gooni isu taaggeeda ku dhawaaqday ee Somaliland.
Haddaba maxay dhibsatay
Puntland oo buugga ku qoran? Su’aashaas waxaan u bandhignay Axmed Shire oo wax
ka dhiga jaamacadda PSU.
"Buuggan waxaa la soo
galiyey baraha bulshada, waxaana uu xambaarsan yahay tusmo ka turjumaysa maamul
goboleedyada dalka ka jira, Puntland-na waxay ku dhisan tahay 9 gobol. Buuggu
wuxuu muujiyey in dhulka Puntland ku fadhido dhul ahaan ahayn lagu daabacay”
ayuu yiri.
Wuxuu intaa ku daray
inay jiri karaan khaladaad kale oo buugga ku dhex jira bacdamaa buuggan uu ka
mid buugaag dhawaan la daabacay oo aan ahayn kuwii hore loo isticmaali jiray.
"Waxaa jiri kara cillado kale oo intan dhaafsiisan haddiiba sawirradii cillad
ka soo dhex baxay” ayuu yiri Axmed Shire.
Wuxuu farta ku fiiqay
in buugga oo ay daabacaadiisa maalgeliyeen dad ganacsato ah uu "degdeg ku jiray
daabacidiisa”, khaladkuna uu halkaa ka dhashay.
Maadaama ay Puntland
sheegtay in "khalad dastuuri ah” uu ku jiro buugga ayaa Axmed Shire wuxuu
khaladaadkaas ku tilmaamay in gobollada ay Puntland tirsato iyo waxa buuggu
dhigayo ay kala duwan yihiin.
"Puntland waxay
doonaysaa in taariikhda iyo deegaanka la baro ardayda. Sidaa darteed waxaa kala
duwan ujeedada ay Puntland lahayd iyo waxa buugga ilaa hadda lagu arkay.
Dhankaa marka laga fiiriyo waa la oran karaa wuu ka duwan yahay wixii uu
dastuurka Puntland ku dhisnaa” ayuu Axmed Shire raaciyey.
Wuxuu aaminsan yahay
Axmed Shire in tallaabadan ay saamayn yeelanayso. "arrintan saamayn ayey
yeelanaysaa. Waxay saamayn ku yeelanaysaa ganacsatadii maalgalisay buugaagta,
waxaana loo baahnaanayaa in buugaag badan dib loo soo cliyo, ardaydana waa in
xal kale oo ku meel gaar ah loo helo inta arrintan laga xallinayo. Waxaa laga
yaabaa in daabacaadaha dambe si fiican looga fekero wixii khaladaad ah ee ku
jiri kara iyo tayada qoraalka”.
Waxa ay tahay in
sameeyo si khalad kale uusan u imaan ayuu Axmed Shire BBC u sheegay inay noqon
karto sidii hadda ka dib qaab taxaddar leh loogu daabici lahaa buugaagta
ardayda lagu barayo iskuullada. "Waxaa hadda soo baxaysa muhiimadda ay leedahay
in qoraalka buugaagta aad loo ilaaliyo, tifaftir badanna la mariyo, waxaana
baraarugaas keenaya khaladaadka hadda soo baxay, wasaaraddana waa in
mas’uuliyad weyn ay iska saarto” ayuu yiri Axmed Shire.