Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Dalbaday Wadda Haddal Toos Ah Uu La Yeesho Dawlada federaalka

Sunday June 16, 2024 - 06:52:31
Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Dalbaday Wadda Haddal Toos Ah Uu La Yeesho Dawlada federaalka



Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Deni ayaa caddeeyay inuu diyaar u yahay inuu dowladda Federaalka Soomaaliya la furo wada xaajood toos ah oo ku saabsan arrimaha masiiriga ah ee dowlad dhiska dalka.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay, in khilaafaadka siyaasiga ah looga gudbi karo wada hadal ku salaysan wadar oggol, iyadoo la ixtiraamayo ku dhaqanka dastuurka dalka.

Deni, isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu dhinaca kale ka digay, wuxuu ugu yeeray siyaasadaha gurracan ee ku dhisan in talada dalka la maroorso, islamarkaana ay koox gaar ah uu dastuurka iyo dalka u afduubnaado.

"Puntland waxay ka digaysaa in talada dalka la maroorsado,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland waxa uu caddeeyay, tan iyo inta hay’adaha dowladda kusoo laabanayaan xayndaabka sharciga, in ay Puntland ku dhaqmayso awoodaha uu siinayo dastuurkeeda iyo dastuurka dowladda Federaalka.

Hadalka Deni ayaa yimid, iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya ay dhawaan shaacisay inay dib u fasaxday mashaariicda horumarinta ee ka xanibnayd Puntland.

     
Loading...